Dawlad Sharci Adag Ka Soo Saartay Nacaybka Iyo Kala Qaybinta Shacabka Ee Baraha Bulshadda

Hargeysa, (Aftahannews)-Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

Tallaabadaan ayay dowladdu sheegtay in loo baahan yahay si looga hortago rabshadaha ka hor doorashooyinka kusoo wajahan dalkaas. Laakiin qaramada midoobey ay sheegtay inuu go’aankaan carqaladeyn doono hadalka xorta ah.

Dalka Itoobiya, muddo tobanaan sanno ah oo uu ka mid ah waddamada Afrika ee xukunka adag lagu maamuli jiray, ayaa waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed oo aad u weyn tan iyo markii ra’iisalwasaaraha isbadal doonka ah Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay laba sano ka hor.

Laakiin inkasta oo Abiy uu sii daayay maxaabiista siyaasadeed, suxufiyiin iyo xisbiyada mucaaradka, hadana maamulka ayaa ku dhibtooday inuu xakameeyo rabshadaha qowmiyadeed. Doorashada sanadkan ayaa loo arkaa inay tahay tijaabada ugu weyn ee lagu hubinayo in isbadalkiisa siyaasadeed uu sii jiri karo.

Sharciga cusub wuxuu ogol yahay ganaax dhan 100,000 oo lacagta Itoobiya ah oo u dhiganta $ 3,000 iyo xabsi ilaa shan sano ah qofkii la wadaaga ama ka abuura baraha bulshada rabshado ama khalkhal ku dhaca bulshada.

Ilaa 297 xildhibaan oo goob joog ka ahaa aqalka ayaa u codeeyay sharciga halka halka 23 kaliya ay ka soo horjeesteen.

Ethiopia waxay dhibane u noqotay fawdo,” ayuu yidhi xildhibaan Abebe Godebo. “Dalku waa dhul kaladuwanaansho leh, sharcigani wuxuu gacan ka geysan doonaa in la isku dheellitiro kala-jaadnimadaas,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Qaar badan oo ka mid ah xildhibaannadii ka soo horjeestay sharciga ayaa sheegay in ay xadgudub ku tahay dammaanad-qaadidda dastuuriga ah ee xorryada hadalka.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii la soo dhaafay, ayaa ballan-qaaday in sannadkan doorashadu noqon doonto mid xor iyo xalaala.