Somaliland: Booliska oo Qabtay Askar Kufsi, Dil & Gacan-ka-hadal Kula Kacay Laba Gabdhood

Hargeysa(aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa xaqiijiyey inay Ciidanku gacanta ku dhigeen Askari ku eedaysan kufsi iyo dil loogu geystay degmada Lughaya ee gobolka Awdal gabadh yar oo 15 jir ahayd iyo Askari magaalada Hargeysa ku dhex-garaacay gabadh ardayad loo malaynayo oo muuqaal uu dhirbaaxo la dhacayo lagu baahiyey baraha bulshada.

Taliye Saqadhi Dabagale, waxa uu sheegay in Askariga dilka iyo kufsiga gabadha yar ku eedaysan ciidanku soo qabteen, isla markaana lagu xidhay Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Sidoo kale, waxa uu Taliyaha Boolisku caddeeyey in la ruqseeyey Askariga gabadha ugu gacan-qaaday Hargeysa.

Warka Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.