Waddani oo Kashifay Fashil Ka Soo Baxay Tartankii Caanaha ee Geela Somaliland!

Hargeysa(aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa kashifay fashil uu sheegay inuu hadheeyey tartankii Caanaha Geela Somaliland ee lagu qabtay Hargeysa oo uu sheegay in Xubno ganacsato u badan oo Carbeed iyo kuwo Geel dalka ku dhaqday wadeen oo aanay wax door ah oo goob-joognimo ahayn ku lahayn dowladda Somaliland.

Tartanka Caanaha Geela oo Jimcihii lagu soo gebogabeeyey duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa oo uu maalmo ka socday Tartan loo qabtay ku dhawaad saddex boqol oo Halaad oo Geela Somaliland ee sida casriga ah duleedka caasimadda loogu dhaqo ka mid ah, kaas oo aan ahayn tartan daah-furnaa, balse la sheegay in dowladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu iska kaashadeen qabashadiisa, iyagoo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub ka hadleen madashaas tartanku ka socday.

Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani Axmed Shukri oo axaddii Hargeysa kula hadlay warbaahinta qaarkeed, ayaa ku dooday inaanay Dowladda Somaliland wax door ah ku lahayn, balse ay maamulayeen Xubno Carbeed oo reer Imaaraad ah, balse Madaxweynaha iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland lagu maamuusay keliya ka qaybgalka amma ka goob-joog noqoshada tartankaas.

Haddaba, Hadalka Masuulkan u hadlay Xisbiga Waddani oo sidoo kale sheegay inaanay jirin Dhakhaatiir tayada caanahaas iyo ta Geela midna sixi kara oo ka shaqaynayey amma jooga tartankaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa hadalkiisa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.