Puntland: 50 Carruur ah oo la isku haystay oo Baadhitaan lagu Kala Saaray

DHAKHAATIIRTA XARUNTA BAADHISTA HIDDASIDAHA PUNTLAND OO CARRUUR LAYSKU HAYSTAY BAADHAY 2020
DHAKHAATIIRTA XARUNTA BAADHISTA HIDDASIDAHA PUNTLAND OO CARRUUR LAYSKU HAYSTAY BAADHAY 2020

Garoowe(aftahannews):- Hay’adda Puntland u qaabbilsan baadhista denbiyada Hidda-sidaha DNA  iyo Raadadka faraha, ayaa sheegtay in ay kala saartay Dad isku haystay 50 Carruur ah oo mid walba laba dhinac oo dhinackastaa ku doodayo inay dhaleen, iyadoo hay’addu sheegtay inay baadhitaan fiican ka dib kala saartay Carruurtaas oo ay soo bandhigeen mid waliba cidda uu la hiddaha yahay.

DHAKHAATIIRTA XARUNTA BAADHISTA HIDDASIDAHA PUNTLAND OO CARRUUR LAYSKU HAYSTAY BAADHAY 2020
DHAKHAATIIRTA XARUNTA BAADHISTA HIDDASIDAHA PUNTLAND OO CARRUUR LAYSKU HAYSTAY BAADHAY 2020

Agaasimaha hay’addan Dr.Cabdirashiid oo BBC la hadlay ayaa sheegay kala saaristaan in ay u mareen adeegsiga paternity testing oo ah, Tijaabada aabanimada DNA, si loo go’aamiyo bal in shaqsigu yahay waalidka dhalay iyo in kale.

“Waxaanu qabanay oo aan kala saarnay illaa iyo hadda dad isku haystay 50 carruur ah. Waxaa naloo keenay carruur ay su’aal ka taaganayd cidda dhashay,” ayuu yidhi DR. Cabdirashiid, agaasimaha Puntland Forensic Science.

XARUNTA PUNTLAND EE BAADHISTA HIDDASIDAHA
XARUNTA PUNTLAND EE BAADHISTA HIDDASIDAHA

Dr.Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in ay baaritaankaan 100% u adeegsadeen habka loo yaqaano “STRs” oo ah isbarbar dhigga ku celcelisyada halbeegga DNA, oo ah marka la rabo in la kala saaro laba qof ama in kabadan.

Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in natiijo sax ah ay kasoo saareen carruurtii su’aaluhu ka taagnaayeen ayna sheegeen waalidka dhalay iyo waalidka aan dhalin.

“Runtii, maxkamaduhu way aqbaleen in loo keeno caddeymaha ku saleysan DNA, waxay kaloo aqbaleen in go’aan lagu qaato. Waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in dadweynihii ku qanceen natiijada aan soo saarnay,” ayuu yidhi.

Puntland Forensic Science waa xaruntii baartay oo kala caddeysay dadkii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Puntland ayaa ah meesha kaliya ee Soomaaliya laga hirgaliyay xaruntaan oo muhiim u ah baaritaanka danbiyada hidasidaha DNA  iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.