Midawga Yurub oo Malaayiin Doollar Ku Taageeray Waxbarashada Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Safiirka Midawga Yurub ee Somalia Nicolas Berlanga Martinez 2020
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Safiirka Midawga Yurub ee Somalia Nicolas Berlanga Martinez 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ururka Midawga Yurub, ayaa bilaabay mashruuc uu ku bixinayo dhaqaale dhan 5,7 Milyan oo Lacagta Yuurada ah, isla markaana lagu taageerayo wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya Xubnaha ka ah, kuwaas oo laga taageerayo sidii loo gaadhsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Safiirka Midawga Yurub ee Somalia Nicolas Berlanga Martinez 2020
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Safiirka Midawga Yurub ee Somalia Nicolas Berlanga Martinez 2020

Mashruucan waxaa lagu bartilmaameedsanayaa xoojinta awoodda maamulka waxbarashada si loo maareeyo loona habeeyo waaxyaha, iyadoo la fududeynayo wadashaqeynta lala yeelanayo qaybaha kale ee ay khuseyso.

Tusaale ahaan, waxay higsaneysaa is waafajinta siyaasadaha waxbarashada, hirgelinta qaab dhismeedka manhajka cusub, xoojinta hubinta tayada iyo nidaamyada heerarka, iyo sidoo kale hagaajinta imtixaannada iyo qiimeynta guud ahaan dalka.

“Taageeradani waxay muujineysaa sida joogtada ah ee Midowga Yurub uga go’an tahay soo kabashada Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxay calaamad u tahay isbedel ku wajahan sii jiritaanka iyo hoggaaminta. Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhexeeya mas’uuliyiinta waxbarashada iyo sida ay uga go’antahay inay si tartiib tartiib ah ugu maareeyaan adeegyada waxbarashada qaab isku mid ah,” ayuu yidhi H.E. Nicolas Berlanga Martinez Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Dalkeennu wuxuu leeyahay awood iyo dad aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay mashruucan waayo waxay naga caawin doontaa inaan sii horumarinno fursadahaan, kor u qaadno fursadaha waxbarasho ee dalka isla markaana aan ku soo dhaweyno jilayaasha goobtaan si ay u qaabeeyaan mustaqbalka Soomaaliya.”

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo sidoo kale Agaasimaha waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir, ayaa ka qeybgalay daah-furka mashruucaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.