Xisbiga Waddani Muxuu ka yidhi Sababta Xukuumaddu u Qarisay Natiijada Kulankii Farmaajo & Biixi?

Hargeysa(aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inaanay si sax ah uga warramin ujeeddada iyo natiijada kulan dalka Itoobiya ku dhexmarey Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Toddobaadkii hore.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa Sabtidii maanta, waxa uu sheegay inaanu Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya la mid ahayn Istaamada Basasku ka baxaan ee Hargeysa ee Dadka Baska raacaya oo dhami isku arkaan, balse uu yahay Xafiis ujeeddo iyo ajande lala tago, looguna kulmo.

Xoghaye Khadar isagoo daba socday hadal Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ku sheegay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo aanu kulankoodu qorshaysnayn ee ay isku arkeen uun Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha federaalka Itoobiya oo Madaxdii ka soo qaybgashay Shirkii 33-aad ee Afrika ku sii salaamayeen Abiy Ahmed.

Haddaba, Warka Xoghayaha guud ee Waddani oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.