Cirro: “Madaxweynuhu Ha Caddeeyo Waxay Farmaajo Ka Wadahadleen.. Annagu waannu kulannayoo..”

“Doorasho la’aan Anigu ma sii joogi karo, Madaxweynuhuna ma sii joogi karo, Somaliland-na….” Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro

Hargeeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo galabta Hargeysa ku soo laabtay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Biixi caddeeyo waxyaabaha ay Kulankoodii Addis Ababa ku dhex-maray kaga wadahadleen Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu si adag uga hadlay doorasho la’aanta Somaliland ka taagan.

Guddoomiye Cirro waxa uu sidoo kale sheegay waxyaabaha ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Isagu kaga wadahadleen kulan ay ku wada yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in doorasho la’aan aanu joogi karin isagu, Madaxweynuhuna joogi karin, cid kalena joogin karin, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay in khilaafka ka taagan arrimaha doorashada la soo afjaro oo Madaxweyne Biixi Somaliland doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada ka qabto.

“Madaxweynuhu Shacabka ha Caddeeyo waxay Madaxweyne Farmaajo ka Wadahadleen, waa waajib saaran inuu shacabkiisa si daahfuran warbixin uga siiyo kulankaas. Annagu kulankaas qayb kamaannu ahayn. Laakiin, Asxaabta Mucaaradku mawqifkoodu waa in talo qaran laga yeesho wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.” sidaa ayuu yidhi Cirro.

Sidoo kale, Guddoomiye Cirro waxa uu ka hadlay kulan uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday oo ay ku wada yeesheen Addis Ababa, waxaanu yidhi; “Kulankaas aannu yeelannay arrinta kala dirista xubnaha hadhsan ee komishanka doorashada, isfaham kamaannu gaadhin.”

Cirro waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxa kale oo aan idiin caddaynayaa mawqfika labada Xisbi ee ahaa in Xubnaha doorashada la kala diro, kii horena la soo celiyo, doorashada la qabto 2020-ka. Dalku doorasho la’aan ku sii jiri kari maayo, Doorasho la’aan Anigu ma sii joogi karo, Muusena ma sii joogi doono doorasho la’aan. Guusha doorashada haddii la qabto Madaxweynaha ayaa yeelan doona, guul-darrada doorasho la’aantana isagaa yeelan doona…”

Haddaba, Hadalka uu Cabdiraxmaan-Cirro Warbaahinta siiyey markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ka dib, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.