Ergayga Somaliland ee Wadahadalka Soomaaliya Edna Aadan oo Turkiga Lagu Soo Dhaweeyey

EDNA AADAN OO TURKEY LAGU SOO DHAWEEYEY 2020
EDNA AADAN OO TURKEY LAGU SOO DHAWEEYEY 2020

Istanbul (aftahannews):- Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa Arbacadii maanta gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo si diirran ay Xubno ka tirsan Ardayda iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee Turkigu si diirran ugu soo dhaweeyeen.

EDNA AADAN OO TURKEY LAGU SOO DHAWEEYEY 2020
EDNA AADAN OO TURKEY LAGU SOO DHAWEEYEY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Drs. Edna Aadan oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku maraysay qaar ka mid ah dalalka Qaarada Yurub, ayaa Turkiga ku sugnaan doonta maalmaha soo socda oo ay kulammo kala duwan la yeelan doonto madaxda dalkaas qaarkood iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga ku nool.

16-ka bishan Febraayo 2020-ka, ayaa magaalada Istanbul lagu soo bandhigi doonaa Buugga ‘A women of firsts’ oo ka warramaya taariikhda iyo waayaha Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ah Haweenay taariikh badan leh.

afthahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.