Ganacsato Lagu Xidhay Wajaale, Masuul Shaqada laga Joojiyey iyo Taliyaha Booliska Gabiley oo Ka Hadlay

Wajaale(aftahannews):- Ugu yaraan 19 Qof oo isugu jira Ganacsata, Guddiga Ganacsatada iyo Shacabka Wajaale, ayaa la xidhx-xidhay, isla markaana lagu kala xidhay Saldhigyada Booliska Wajaale iyo Gabiley, ka dib markii ay dowladda ku eedeeyeen inay iibisay dhul Xabaalo ah oo ku yaalla Wajaale, waxaana shaqo-joojin lagu sameeyey Isu-duwaha wasaaradda Hawlaha guud ee gobolka Gabiley.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley, ayaa sheegay inay xidheen 19 Qof oo rabash ka samaynayey goobta ay Xabaalaha in loogu talogalay ku sheegeen oo ay Guddoomiyaha gobolka Gabiley iyo Maamulka degmada Wajaale oo tegeen subaxnimadii arbacada maanta, iyagoo doonaya inay halkaas ka dhagax-dhigaan Dekedda qallalan ee Wajaale yeelan doonto ee lagu kala wareejin doono Badeecadaha kala duwan ee isaga gudbaya Somaliland iyo Itoobiya.

Warkaas oo faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Geesta kale, Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan X. Axmed, ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Isu-duwaha Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland ee gobolka Gabiley, isaga oo ku sababeeyey inuu ka been-sheegay Shaqo ay wadeen Wasaaradaha dowladdu Wajaale oo loogu talo-galay in lagu kala wareejiyo Badeecadaha, Xabaalaha laga hadlayaana dhinaca ku hayaan, taas oo uu shalay ka hadlay isu-duwaha shaqada uu ka joojiyeyey Guddoomiyaha Gabiley.

Warqad Qoraal ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo Nuqul ka mid ah Warbaahinta Aftahannews.com heshay, taasoo uu ku saxeexnaa Badhasaabku, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Sawir-qoraalkan hoose ee ka bogasho wacan:-

afthahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.