Xukuumadda Somaliland oo Daah Saartay Natiijada Kulankii Farmaajo iyo Biixi iyo Aamuska Soomaaliya!

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Jawaab gaabsi u muuqatay ka bixisay Kulan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi Salaasadii shalay.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankaas oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha federaalka Itoobiya ee Addis Ababa, isla markaana waxa la sheegay inuu qaatay waqti afartan daqiiqo ka badan amma saacad ku dhaw oo ay isku kaliyeysteen labada Madaxweyne oo aanay xubnaha waftiyada ay kala hoggaaminayaan ku wehelin.

Inkasta oo aan warbaahintu helin wax faahfaahin ah oo ku saabsan ujeeddada kulankaas Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, haddana waxa la sheegay inay ka wadahadleen sidii wadahadal sannado ka hor u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya oo gadaal ka istaagay dib loogu bilaabi lahaa iyo sidii ay labada dhinac isagaga soo dhawaan lahaayeen heerka ay hadda kala taagan yihiin oo kala-fogaansho badani ka muuqdo.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo markii Arbacadii maanta waftiga madaxweynaha oo uu ka mid ahaa soo gaadhay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Saxaafadda si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inaanu kulanka labada madaxweyne ahayn mid qorshaysnaa, balse uu ahaa iska kulan caadi ah oo aan wax xasaasi ah oo lagaga hadlay jirin.

“Waxaan idiin sheegayaa oo laga yaabo in ta ugu weyn ee aad danaynaysaan tahay, ee Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen. Madashaasi waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami imanaysay oo lagu marti-qaadayey.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibeddu intaas ku ladhay oo yidhi; “Markii shirkii Afrika dhammaaday, Madaxdu way isa sii macasalaamaynayeen, waa la isa sii arkayey, waa la sii ballamayey. Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku tegay, Madaxweyne Farmaajona markaas meeshuu yimi, markaa sidaas ayey isu arkeen, warkaasina intaas ayuu ku kooban yahay.”

Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa marba marka ka dambaysay u muuqday kuwo sii kala fogaanaya intii ay Madaxweyneyaasha ka noqdeen Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo tallaabooyin awood muujin ah oo ay Dowladda Soomaaliya ku kacday, si weyn uga xumaatay Somaliland, hadallo kulul iyo cambaarayn joogta noqdayna aad uga soo yeedhayeen dhanka Somaliland.

Hase-yeeshee, Dad waxay Dadka qaarkood kulan ku tilmaameen mid kala fogaanshaha badan ee muuqda xal u noqon kara, horseedna u noqon kara in dib ay u bilaabmaan wadahadallada labada dhinac oo istaagay bilaabmay 2012-kii, isla markaana istaagay 2015-kii. Balse, labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya midna faahfaahin sugan oo la xidhiidha natiijada kulankaas may bixinnin.

Muuqaalkan Hoose kaga bogo hadalka Wasiir Faratoon Warbaahinta siiyey:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.