Madaxweyne Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay iyo Wasiir Faratoon oo Ka Warbixiyey Natiijada Safirka Itoobiya

MADAXWEYNE BIIXI OO DALKA KU SOO LAABTAY 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO DALKA KU SOO LAABTAY 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee Arbacadii maanta, ka dib markii ay soo dhammaysteen Safar maalmo qaatay oo uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

MADAXWEYNE BIIXI OO DALKA KU SOO LAABTAY 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO DALKA KU SOO LAABTAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa markii Madaxweynuhu soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka dib la hadlay Warbaahinta, kana warramay cidda Madaxweynuhu la kulmay intii uu Itoobiya joogay iyo sida loo qaabbilay-ba.

“Shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wadahadalnay qaddiyadda Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray; “Illaahay mahaddi ha ka gaadhee waxaannu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mar uu Wasiir Faratoon ka hadlayey kulammada Madaxweynaha iyo habka qaabbilaaddiisa, waxa uu yidhi; “Shirkaas haddii ay tahay ka soo qaybgalkiisa iyo tegi taankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tageynay cidii aanu la kulanay, dawladda Itoobiya iyo intii kale ee aanu la kulanayba si meeqaamkeedu aad u sareeyo ayaa la noo soo dhaweeyey, meeqaam la siman ama la mida hadiiba aanu ka sarayn waddamo badan oo Afrika ah ama dalalka Afrika oo dhan intii la siiyey meeqaamkii madaxdooda ayaa madaxweynahana la siiyey oo lanagu soo dhaweynaayey oo aan kaga qaybqaadannay meel walba oo aannu joognay.”

“Waxa aan idin sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Itoobiya, gudoomiyihii cusub ee loo doortay Afrika sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.