Ujeeddada Bannaan-bax Abaabulkiisu ka Socdo Wajaale, Cidda Wadda iyo Saamaynta Ka Dhalan Karta!

Wajaale(aftahannews):- Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo ay hormuud ka ahaayeen xubno ka mid guddiga ganacsatada magaalada Wajaale, ayaa maamulka degmada iyo gobolka ku eedeeyey inay iibiyeen  Dhul Xabaalo ahaa oo ku yaalla Wajaale.

Sidoo kale, Maamulka Degmada Wajaale, ayaa isla maanta Beeninyay wararkaasi iyagoo sheegay in aanay jirin dhul la iibiyay cidii warkaasi sheegaytayna looga baahan yahay cadayntiisa. Arinta ayaa magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ka abuuray dareeno kala duwan.

Wararka laga helayo caawa magaalada tog wajaale ayaa sheegaya in xubno kamid ah gudida ganacsatada wajaale ay abaabulayaan mudoharaad maalinta bari ah lafilayo in uu dhacdo magaalada wajaale kaasi oo aan la garayn sobobta keentay Iyo  ujeedada ka danbaysa ee  ay ka lee layihiin xubnaha gudida ganacstada ee ku hawlan Abaabulkiisa Iyadoo Magaalada Tog wajaale ay ku Taalo Xuduuda Somaliland Iyo Itoobiya.

Abaabulka isu soo baxa, ayaa laga dareemaya  magaalada Wajaale iyo  baraha ay ku kulanto bulshadu, taasi oo laga cabsi qabo khatarta uu ku keenayo magaalada. Haddii uu  ka dhaco iyada oo aan la saadaalin Karin saamaynta uu ku yeelanayo  ganacsiga magaalada wajaale oo wakhtigani xawli ah islamarkaana ay dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya ay maalin walba kasoo gudbaan kumanaan ganacsato ah oo somaliland ka iibisada alaabo lacagtoodu ay gaadhayso balaayiin dollar.

Xubnaha ganacsatada ah ee ku hawlan abaabulka mudoharaadkani ayaa la sheegay in ay kasoo horjeeda xukuumada somaliland taasi oo aan  la garanayn danaha qarsoon ee ay ka wataan iyo in ay diyaar uyihiin  masuuliyada Wixii khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ee  ka dhasha.

Shacabka ku ganacsada magaalada  wajaale oo ka dareen celiyay abaabulka mudoharaadkani ayaa sheegay  in magaalada wajaale aanay qaadi Karin mudoharaad rabshado wata iyaga oo ka digay in lagu soo dhex dhuuman karo taasi oo dhaawac culus ku keenaysa samcada magaalada wajaale iyo isku socodka labada dale e somaliland iyo itoobiya.

Gudida ganacsatada wajaale ayaa iyagu wakhtigan umuuqdo kuwo dano kale uga faa,iidaysanaya shacabka magaalada oo warar aan lahubin lagu abaabulo iyadoo xubnahan abaabulaya shacabku ay awood uleeyihiin in maamulka degmada  ay kala hadli karaan waxa khaldan iyo xaqiiqada in la iibiyay dhulka xabaalaha, wallow xogaha qaar tibaaxayaan in ujeedada ay leeyihiin xubnaha gudidada ganacsatu ay ka fog tahay wararka shacabka lagu jaho wareerinayo islamarkaana uu damacoodu salka ku hayo mid dhinaca xukuumada madaxwayne biixi ku jahaysan kaasi oo wakhtigan aanay  la lahayd xidhiidh toosa halka xukuumadii axmed siilaanyo ay ku xidhnaayeen madaxtooyada oo ay hadba cida ay iyagu ogolyihiin ay ucumaadadi jireen xilka maamulka degmada balse wakhtigan ay go,doon ka yihiin

Gudida ganacsatada ee xiligan abaabulaya mudoharaadka ayaa qaada cashuur aan dalka ka jirin taasi oo ay ka qaadaan gaadiidka rar uqaada itoobiya islamarkaana ay sitoosa ugu dhaco jeebkooda taasi oo ah lacag adag islamarkaana aanay jirin kala xisaabtanta waxa ay ku qabtaanba.

Sikastaba ha ahaatee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa iyagu ah magaalo  qaadi Karin rabshado iyo abaabul shacab taasi oo hadii ay ka dhacdo ku keenaysa dhaawac balaadhan isku socodka labada dalka iyo kala iibsiga alaabaha kala duwan ee shaaracyada magaalada daadsan.

Waxaana laga war sugi doonaa talaabada ay xukuumada iyo ciidamada kala duwani ka qaadan cidkasta oo isku dayda In ay khal khal galiso amaanka magaalo ganacsiyeedka tog wajaale.

Sidoo kale, warkaas oo oo daawasho ah, isla markaana uu ku jiro isu-duwaha wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland ee gobolka Gabiley oo Baddacas24tv oo arrintan wax ka weydiiyey la hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.