Puntland oo Dil Ku Fulisay Rag Kufsi iyo Dil Kula Kacay Gabadh yar iyo Aabbeheed oo Ka Hadlay

PUNTLAND OO DIL KU FULISAY RAG GABADH YAR KUFSADAY OO DILAY 2020
PUNTLAND OO DIL KU FULISAY RAG GABADH YAR KUFSADAY OO DILAY 2020

Boosaaso(Aftahannews):- Garsoorka Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa Xukun Dil ah ku fuliyey laba Nin oo ka mid ahaa dhawr Nin oo Kufsaday Gabadh yar oo 12 jir ah, ka dibna dilay sannadkii hore, kuwaas oo muddo xidhnaa Maxkamadaha kala duwan ee Puntlandna kiiskooda qaadeen.

PUNTLAND OO DIL KU FULISAY RAG GABADH YAR KUFSADAY OO DILAY 2020
PUNTLAND OO DIL KU FULISAY RAG GABADH YAR KUFSADAY OO DILAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dilkan lagu fuliyey labada Nin, ayaa Salaasadii maanta ka dhacay goobta Qisaasta lagu fuliyo oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland. Cabdisalaan Cabdulaahi Warsame oo ay walaalo ahaayeen Cabdiftaax Cabdulaahi Warsame  oo kamid ahaa raggii qirtay kiiska.

ILYAAS AADAN 2020
ILYAAS AADAN 2020

Aabbaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa soo dhoweeyay in gabadhiisu cadaalad heshay kadib markii saakay xukun dil ah lagu fuliyay labo kamid ah saddexdii nin ee kiiskaas loo xukumay.

Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib loo dhigay fulinta xukunka xukumanaha saddexaad oo lagu magacaabo Cadbisalaan Cabdiraxmaan Warsame, kadib markii ay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Wuxuu sheegay Ilyaas in xukunka la fuliyay uu dawo u noqondoono gabar kasta oo Soomaliyeed inaan lagula kicin falka gabadhiisa loo geystay.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukumanaha dib loo dhigay fulinta xukunkiisa waxay wararku sheegayaan in aan caddeymo rasmi ah loo helin in uu ka qeyb qaatay fal dambiyeedkaas.

Dhammaan Maxkamadihii uu ka soo muuqday marnaba ma uusan qiran inuu kiiskaas ku lug lahaa, halka labada kale ay qiranayeen inay gabadha kufsadeen, laakiin ay ku dafirayeen inay dileen Caa’isha. Hay’adaha garsoorka Puntland, ayaa sheegay in DNA laga qaaday uu caddeynayo inuu kiiska qeyb ka ahaa.

Geesta kale, Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee Puntland Cawil Sheekh Xaamid, ayaa sheegay in cid kasta oo fal kufsi iyo dil ah ku kacda lagu fulin doono xukunkaas dilka ah ee maanta lagu fuliyey Raggii Caai’sha Ilyaas Aadan kufsaday ee haddana dilay oo kale.

Dhamaman degaannada Puntland ayaa laga hadal hayaa xukunkaan, waxaana lagu wadaa inay dhacaan dibadbaxyo lagusoo dhoweynayo cadaalad Caa’isha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.