Waxa Muuqda Ballanqaadkii Madaxweynaha Dalka Gini ee ahaa inuu Qaddiyadda Somaliland Geeyo Midawga Afrika By: Maxamed-Cirro

Madaxweynaha GINI IYO MADAX KALE 2020
Madaxweynaha GINI IYO MADAX KALE 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, safarkaas oo qaadan doona maalmo kooban, iyadoo uu halkaasna ka socdo shir-madaxeedka Ururka Midawga Afrika oo si rasmi ah u furmay, kaasoo socon doona laba maalmood ah oo Axadda iyo Isniinta (9 ilaa 10 February 2020).

Madaxweynaha GINI IYO MADAX KALE 2020
Madaxweynaha GINI IYO MADAX KALE 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MADAXWEYNAYAASHA DALALKA GINEU IYO SOMALILAND
MADAXWEYNAYAASHA DALALKA GINEU IYO SOMALILAND

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Itoobiya, waxaanna weftiga Madaxweynaha halkaas ku dhaweeyey Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Aklilu Hailemecheal,  iyadoo ay weftigu woxogaa nasasho ah ku qaateen qolka martida ee madaarka, iyadoo Madaxweyne Muuse Biixi lagu qaabilay roog cas iyo calanka tawxiidku ku xardhan yahay ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida Madaxweynaha.

Sidoo kale, waxa weftiga Madaxweynaha halkaas kaga biiray Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaaashiga Caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanna la filayaa in Madaxweynaha iyo weftigiisuba ay galaan-gal dhaw u yeeshaan madaxda kala duwan ee ka qaybgelaya shirka AU-da.

SAHRAWI REPUPLIC

Shir-madaxeedka Midawga Afrika oo sannad walba hal mar qabsooma, waxa ka qaybgalaya Madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha kala duwan ee dalalka qaaradda Afrika, halka sidoo kale ay shirka goob-joog ka yihiin madax badan oo ka socda dalalka Adduunka, Ururrada Caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay oo uu joogo Xoghayaha Guud ee UN-ka, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo hay’ado badan oo caalami ah, iyadoo ay hoggaamiyaal badan oo furitaankii Axadda hadallo ka jeediyey ay ku baaqeen in la soo afjaro wixii khilaafaadyo ah ee u dhexeeya dalalka Afrika, halka shirku soo xidhmi doono Isniinta maanta, Insha Allaah.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mr. Cyril Ramaphosa, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey jagada Madaxweynenimada Ururka Midawga Afrika oo uu hayn doono muddo sannad ah, isagoo xilkaas kala wareegay Madaxweynaha dalka Masar Mr. Abdel-Fattah El-Sisi oo xilkaas hayey sannadkii hore ee dhammaaday, iyadoo ay arrintanina fursad fiican u noqonayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh muddo dheer ah la lahayd dalka Koonfur Afrika.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa, ayaa la filayaa inay shir-doceedyo muhiim ah la qaataan qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika iyo hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ee lagu marti-qaaday inay goob-joog ka noqdaan muddada labada maalmood ah ee uu socdo Shir-madaxeedka Midawga Afrika, waxayna fursaddaas uga faa’iidaysan doonaan sidii madaxdaas loogu soo bandhigi lahaa qaddiyadda Somaliland iyo in dalka Somaliland si rasmi ah loogu ogolaado inuu goob-jooge ahaan uga qaybgalo shirarka Midawga Afrika.

Madaxweynaha dalka Gini (Guinean) Md.  Alpha Conde, ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi inuu ka shaqayn doono sidii qaddiyadda Somaliland loo horgayn lahaa shirarka Midawga Afrika, kadib markii ay labada Madaxweyne ku kulmeen caasimadda dalka Gini ee Conakry bishii July ee sannadkii 2019-kii.

 “Dowladdii aannu u tagnay (dalka Guinea) si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay guddoonsatay inay qaddiyadeena keento AU (Midawga Afrika) oo Madaxweyne Alphana (Alpha Conde) waa ka garaabay, hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed, waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland oo hadal u jeediyey dadweyne badan oo ku soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa 7 July 2019-kii, kadib markii ay weftigiisu ka soo laabteen safarkii ay ku tageen dalka Gini ee galbeedka qaaradda Afrika.

Geesta kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda kale ee reer Somaliland, ayaa dhawr jeer soo jeediyey in dalka Somaliland loo ogolaado inay goob-jooge ahaan uga qaybgasho shirarka Midawga Afrika, waxaana la filayaa inay madax uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Gini ay arrintaas kala shaqeeyaan Somaliland, waxayna madaxda reer Somaliland tusaale u soo qaataan Jamhuuriyadda Saxaraha (The Sahrawi Arab Democratic Republic) ama Saxaraha Galbeed oo sidii dal madaxbannaan u dhaqamayey ilaa sannadkii 1976-kii, balse ilaa hadda dalka Morooko (Morocco) ayaa sheegta in degaannada Saxaraha Galbeed ay ka mid yihiin dalkeeda, iyadoo markii u horaysay uu Midawga Afrika ogolaaday in dalka Jamhuuriyadda Sahrawi ay ka qaybgasho shirarka Madaxda AU-da, iyadoo ay dalal badan oo Afrika ah xiligan ay xidhiidh diblomaasiyadeed oo toos ah la leeyihiin Jamhuuriyadda Saxaraha Galbeed, halka sidoo kale ay Jamhuuriyaddan yar aqoonsi ka heshay ilaa 85 dal oo caalamka ah, balse 45 dal ayaa markii dambe dib ula noqday aqoonsiga ay hore ugu fidiyeen Jamhuuriyadda Sahrawi, waana waxyaabaha ay dheertay dalka Somaliland oo aan weli wax dal ah ka haysan aqoonsi rasmi ah, balse dowlado badan oo Afrika iyo caalamka ah, ayaa ula shaqeeya sidii dal ahaan oo kale, iyagoo Somaliland la gala heshiisyo caalami ah, xidhiidh toos ahna la yeesha.

By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa/Somaliland.