Madaxweynaha Jabuuti oo Ka Hadlay Xalka Amni-darro ka Jirta Dalal Afrika ah, Baaqna u Diray Quwado Riixaya

Addis Ababa(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Qaybgalay Shirka 33-aad ee Midawga Afrika oo shalay ka Furmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa Khudbad uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo xaaladaha Afrika iyo Xasilinta Dalalka Qaar uu kaga hadlay ka jeediyey, waxaanu guddoomiyey Shirka Nabadda ee Afrika.

Madaxweyne Geelle khudbaddiisa waxa uu ku soo jeediyey in loo baahan yahay in nabadgelyo lagu soo dabbaalo dalalka Afrika ee amni-darradu ka jirto, isla markaana xallinta arrimohooda gudaha faraha looga qaado Dalka Liibiya oo laga daayo farogelinta shisheeye ee saamaynta taban ku yeelatay in nabadgelyo ka tis-qaaddo Liibiya.

Haddaba, Khudbadda uu Madaxweynaha Jabuuti shirkaas ka jeediyey nuxurkeeda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.