Somaliland oo Markii u Horreysay Soo Bandhigtay Qorshe lagaga Hortegayo Dhibta Gudniinka Fircooniga ah

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY XUSKA MAALINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY XUSKA MAALINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH 2020

“Wasaarad ahaan waxaaannu qabnaa hawshan oo muddo 40 sano ka badan laga soo hadlayay maalinba meel ay joogtoyba, in hadda la soo gaadhay xilligii xal waara loo heli lahaa…” Wasiirka Diinta iyo Awqaaft Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Dariiqyo cusub oo ay sheegtay inay gacanta ku hayso oo lagu joojin karo Gudniinka Fircooniga ah, isla markaana ka duwan kuwii hore ee loo mari jiray Wacyigelinta Fircooniga.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY XUSKA MAALINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY XUSKA MAALINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey munaasibad uu ka qaybgalay oo loo sameeyey Xuska maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo sannad kasta lixda bisha February la qabto, balse Hargeysa lagu qabtay sagaalka February oo ku beegnayd Axaddii shalay, waxa uu Wasiirku ku sheegay inay gacanta ku hayaan 1,320 (kun, saddex boqol iyo labaatan) Maddarasadood, Macallimiinta Dhigta iyo 1,470 (kun, afar boqol iyo toddobaatan) Masaajid iyo Culimadooda, sidaa awgeedna waxa uu tilmaamay inay goobaha Waxbarashada Diiniga ah iyo Ta Maaddiga ah iyo goobaha Cibaadada ee Masaajiddada laga samayn karo wacyigelinta ugu muhiimsan, si looga gudbo caqabadaha muddada dheer soo jirtay ee uu Fircoonigu ku hayo Haweenka Somaliland.

Wasiir Khaliil waxa uu ka warramay tallaabooyin wax lagaga qabanayo dhibta Gudniinka Gabdhaha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn ee ay labadii sanno ee u dambeeyey qaadday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo kaashanaysa dhinacyo kala duwan iyo faa’iidada ka dhalatay illaa hadda. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sharraxaya Xukunka Diiniga ah ee Cidda samaysa Fircooniga, jidadka cusub ee ay doonayaan in wax lagaga qabto dhibaatadiisa, haddii wacyigelinta qorshaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta la waafajiyo, waxaanu baaq u jeediyey Macallimiinta, Culimada iyo Warbaahinta.

Khudbadda uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ka jeediyey munaasibadda Xuska Maalinta Gudniinka Fircooniga ah ee lagu qabtay Hargeysa, waxay u dhignayd sidatan:-

“Mudanayaal iyo marwooyin; Salaan ka bacdi anigoo kuhadlaya magaca Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay ii tahay sharaf in aan idinkala soo qaybgalo Xafladda 6da Febuaryo, taas oo loo asteeyay maalinta la dagaalanka dhibaatooyinka gudniinka ee guud ahaan caalamka, taas oo ay Somaliland-na qayb ka tahay.

Sida aad la wada socotaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxaan 2 sanno ka hor kulankan oo kale soo saarnay FATWO la xidhiidha sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka gudniinka, loona soo saari lahaa shuruuc la xidhiidha arrinkan, balse waxaa Fatwadaas ka soo baxay aragtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen in daneeyayaasha barnaamijkani codsadeen in lagu noqdo wax-ka-bedddal iyo faahfaahina lagu sameeyo.

Haddaba, iyadoo arrinkaasi laga duulayo Wasaaraddu waxa ay qabatay kulamo is daba joog ah, kuwaas oo kor loogu qaadayo aqoonta culimada ee dhanka caafimaadka iyo sidii loo midayn lahaa, korna loogu qaadi lahaa doorka culimada guud ahaan dalka. Waxa kale oo ay Wasaaraddu soo saartay barnaamijyo lagaga hadlayo arrinkan iyo dhibaatooyinkiisa. Ugu dambayn, dabayaaqadii Sannadkii tagay 2019-kii, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA waxay la tashi badan ka dib ku dhawaaqday Guddi culimo ah oo ka kooban 9 xubnood, kuwaasoo dhammaan ay ku jiraan goballada dalku. Ujeedada guddidani waxay ahayd sidii loo heli lahaa guddi ka soo talo-bixisa, hoggaamisana hannaanka wacyigelineed ee la-dagaalanka dhibaatoyinka gudniinka, shuruucda la xidhiidha iyo dhammaan arrimaha bulshada ee noocan ah. Wasaaraddu, waxa ay gacansiisay, isla markaana si dhow ula shaqaysay guud ahaan Wasaaradaha iyo hay’adaha ku hawlan joojinta  FGMka. 

Walaallayaal, Wasaarad ahaan waxaannu qabnaa hawshan oo muddo 40 sanno ka badan laga soo hadlayay maalinba meel ay joogtoyba, waxa la soo gaadhay sidii xal waara loogu  heli lahaa.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo guddida culimada ee dhawaan aannu magacawnay ee ka shaqayn doonta ka talinta sida ugu habboon ee dhinaca diinta ee lagu joojinayo dhibaatada guud ahaan gudniinka Fircooniga.  waxa ay culimadu dhawaan billaabi doonaan kulamo joogta ah oo ay la yeelanayaan dhammaan  daneenayaasha arrintan FGM-ka, Waxa aan rajaynayaa in haddii Hay’adaha Dowladda, Hay’adaha caalamiga, kuwa maxalliga ah iyo Guddiga Culimada ee Wasaaradda dhammaan la is kaashado in xal waara laga gaadhi karo, isla markaana aynu soo afjari karno barjaamijkan haddii Ilaahay yidhaahdo. Waxaaan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo in siyaasadda iyo xeerka khuseeya FGM-ka in aannu ka maarmaynin in loo eego Shareecadeenna suubban, arrintaasina waxa u igman Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Mudanayaal iyo Marwooyin; Waxa aan bogaadinayaa oo aan u ducaynayaa Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo innoo soo diyaarisay Xafladdan Xuska maalinta Caalamiga ah cidhib-tirka Gudniinka Fircooniga ee hablaha iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay sidii looga ilaalin lahaa hablaheenna karaamada leh dhib kasta oo uga iman lahayd bulshada inteeda kale.  Waxa aan sidoo kale halkan uga mahadnaqayaa dhakhaatiirteenna meel kasta oo ay joogaan sida ay mar kasta bulshadeenna uga wacyigeliyaan dhibaatada baahsan ee uu ku hayo gudniinka fircoonigu.

Waxa aan u arkaa marka laga hadlayo wacyigelinta in Wasaaradda Diintu tahay midda ugu horreysa, waayo? Waxa aannu xidhiidh dhaw la leennahay guudahaan Jaamacadaha dalka iyo Dugsiyada waxbarashada. Waxa aanu si toos ah u maamulnaa oo aannu gacanta ku haynaa oo noo Diiwaangashan in ka badan, 1320 Malcamadood, iyo 1470 Masaajid. Guud ahaan ardayda Malcaamadahaasi dhigataa waxa ay kor u dhaafayaan 370,000 (saddex boqol iyo toddobaatan kun) arday, Wiilal iyo Hablo intaba. Tiradaasi guud ee aan sheegay habluhu waxa ay kayihiin 44%. Wiilashuna 56% Sidoo kale macallimiinta dhigta Qur’aanka, Imaamyada Masaajidda, iyo Muda’idiinta oo marka la isku daro kummanaan ah haddii ay wacyigelinta aynu doonayno si toos ah u galaan iyaga oo fulinaya amarka Wasaaradda, waad dareemi kartaa xaddiga ay leedahay iyo Midhaha laga filan karo.

Ugu dambayntii, Wasaarad ahaan waxa aannu soo dhoweynaynaa cid kasta oo ka shaqaynaysa badbaadada ubadkeenna, gaar ahaan hablaheenna. Waxa aan ballanqaadaynaa in aannu ka ciyaari doonno doorka laxaadka leh ee nagaga beegan arrintan, taasoo ay ugu horreyso sidii ummadda looga wacyigelin lahaa dhibaatooyinka Gudniinkan Fircooniga ee xaaraanta ah. Alla mahadleh.” Sidaa ayuu Wasiir Khaliif ku yidhi khudbaddiisa.

Inkasta oo Wacyigelinta Joojinta Gudniinka Fircooniga ah intii ay Somaliland Jirtayba dalka ka socotay, haddana weli laguma guulaysan cidhib-tirkiisa. Hase-yeeshee, hadda waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland soo bandhigto qorshayaashan cusub ee ka duwan jidadkii hore ee loo mari jiray wax ka qabashada dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn.

Khudbadda Wasiirka oo dhammaystiran oo Muuqaal ah, waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahainc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.