Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Eedaynta Culimada Boorama Ku Sheegeen in Badhasaabka Awdal Diinta caayey?

Boorama(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Shaacisay in Badhasaabka gobolka Awdal Maxkamad la soo taagayo haddii ay ku Caddaato inuu Diinta caayey, sida ay ku eedeeyeen Qaar ka tirsan Culimada Boorama.

Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Boorama, ayaa Warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay in eedaynta Culimada Boorama qaarkood u jeediyeen Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay sheegeen inuu Diinta caayey, waxaanu ku dooday Wasiir ku-xigeenku inay arrintaasi u baahantay caddayn dhammaystiran, haddii ay ku caddaato in Badhasaabku Caayeyna ay Maxkamad horgeyn doonto dowladdu.

Haddaba, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.