Kulankii ra”iisal wasaaraha Israel iyo Madaxa golaha Sudan oo xiisad abuuray

Khartoum (Aftahannews) – Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu Isniintii kulan kale la yeeshay Abdel Fattah al-Burhan, madaxa golaha guud ee Suudaan xukumayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore ka dib markii uu xukunka laga tuuray madaxweyne Omar al -Bashiir.

Kulankaasi labada hoggaamiye ee qarsoodiga ahaa oo ka dhacay dalka Uganda kadibmarkii Raysal Wasaaraha Israel iyo Madaxweynaha Uganda ay kulmeen, ayaa Raysal Wasaaraha Israel waxa uu sheegay in labada dal waa Sudan iyo Israel ay ku heshiiyeen inay dib u hagaajiyaan xidhiidhka labada dal.

Hase yeeshee Al-Burhan qudhiisa ayaa sheegay markii uu warbixin kooban kulankaasi ka siiyey golaha wasiirada.

“Waxaan talaabadan ka qaaday dhinaca mowqifkeyga mas’uuliyaddeyda … inaan ilaaliyo amniga guud ee dalka Suudaan iyo inaan gaadho danta ugu sarreysa ee dadka reer Suudaan,” ayuu Burhan ku sheegay hadal uu soo saaray Salaadadii.

Kulankan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Jaamacadda Carabta, oo ay Suudaan xubin ka tahay, ay ku biirtay hoggaamiyeyaasha Falastiin diidmada qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe, kaasoo uu shaaca ka qaaday intii uu garab taagnaa Netanyahu Aqalka Cad todobaadkii hore.

Qorshahan ayaa soo jeediyay xal laba-dowladood ah oo lagu xaliyo khilaafka sanadihii hore ee Falastiin-Israel, iyada oo caasimad cusub oo Falastiiniyiin ah ay ka baxsan tahay magaalada Qudus iyada oo magaalada taariikhiga ah ay u tahay “caasimad aan loo kala qaybsanayn” Israel.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.