Shir Ka Nixiyay Madaxweyne Faroole, Iskana hor keeni kara Puntland iyo Somaliland oo Boosaaso ka Furmay

Boosaaso(Aftahannews):- Shir ka nixiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo aad loogaga soo hor jeedo maamulkiisa isla markaana aad loogu dhaliilay inuu leeyahay masuuliyadda ay Somaliland kaga taliso magaaladda Laascaanood iyo deegaanno ka mid ah Sanaag bari natiijada ka soo baxdaa ay sababi karto isku  dhac dhex mara Somaliland iyo Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,ayaa maanta ka furmay magaaladda Boosaaso.

 

Waxaa maanta ka furmay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso oo loogu yeedhay inuu yahay wada tashi dhex maraya dadka gobolada Sanaag Bari iyo bari oo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland,shirkaas oo lagu sheegay inuu gogol xaadh u yahay shirwayne ay isugu yimadaan dhamaan dadka reer Puntland oo ay ku jiraan deegaano ka tirsan Somaliland isla markaana aan gacanta ugu jirin maamulka Puntland ee shirka qabtay.

 

Shirka oo ay ka soo qayb galeen xubno u badan mucaaridka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed(Faroole) isla markaana lagaga hadlayay sidii deegaanno Puntland ka tirsan oo maqan loo soo celin lahaa isla markaana loo wada hadli lahaa,yaa waxaa ugu horrayn furitaankii shirka ka hadlay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid Madaxey,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

 

 ””” Shirkan wuxuu gogol xaadh u yahay shirweyne Puntland maanta Xaaladeeda iyo tan berito lagaga  wada tashanayo oo dib u heshisiin lagu magacaabo,wuxuu gogol dhig u yahay oo dariiq u furayaa in lawada hadli karo oo aan lakala cadhoon ,haddii lakala cadhoodana in la iska dabategi doono……””ayuu yidhi.oo isagu guddoominayay shirka wada tashiga ee maanta ka furmay Boosaaso.

 Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid Madaxey

Guddoomiyihiii hore ee Baarlamaanka PuntlandYuusuf Xaaji Siciid

ENG Cabdirisaaq Xuseen Gacayte oo kamid ah shir Guddoonka shirka Wadatashiga ayaa sheegay in kulanku uu danta guud ku saabsanyahay isla markaana uu ugu baaqayo kuwa damac xumidu qaaday oo uu ula Jeeday Xubnihii dhawaan ku biiray Dowladda in dantu tahay mid seeto ah oo guud una dhaxeysa bulshada.

””Kulankeena maanta,wuxuu ku saabsanyahay arrimaha Doorashada gaar ahaan danta guud ee dhammaan dadweynaha iyo deegaanada Puntland maaha kulan Murashax anagoo ogsoon in Musharax kastaa xurmo iyo taageero mudan yahay hase yeeshee dantu waa dan guud….”””ayuu yidh ENG Gacayte.

 

Wasiirkii hore Dekedaha iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadii Cadde iyo tii Cabdullaahi Yuusuf Ismaaciil Shire Jaamac(Buraale) ayaa ka hadlay sababaha maanta keenay in shirka looga tashanayo Xaaladda Puntland ay tilmaameyso in Puntland xiligan tahay mid maraysa meeshii ugu xumeyd.

.””” Waxaa lunsan oo laga tashanayo loogana dalbaayo deegaanada kale iney ka tashadaan ma wax Beri gaar u ah  waa wax daalacan oo dadkoo dhan wada ogyahay….””ayuu yidhi Buraale.

Wuxuu Intaas ku daray….””Eheladii eeda tirsaneysay dib loogama dabategin,eheladii dhulkooda uu maamulka Puntland bixiyey,waayo xiligii maamulka Puntland ka horeeyey deegaankaas beelihii lahaa gacantooda ayey ku jirtay,waxay gacantooda ka baxday xiligii maamulka Puntland lagu uu la wareegay Faroole ee lagu asteeyay maamulkiisa …..”””ayuu yidhi

101_0528

qaar ka mid ah xubnaha shirka Bosaso ka qayb galay

 

Shirkan ayaa dadka reer Sanaag Bari ku dhiiri galiyay inay ka mid noqdaan golaha isbedeldoonka Puntland isla markaana dadka deegaannada Taleex,Xuddun,Laascaanood iyo Buuhoodle ugu baaqay inay wax la qabsadaan Puntland oo ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan sla markaana dani ay ka dhaxayso siday hadalka u dhigeen masuuliyiintii halkaa ka hadashay.Maaha  markii ugu horraysay ee shir noocan  ah oo ay mucaaridka Puntland hoggaaminayaan lagu qabto deegaannada Punland isla markaana laga jeediyo kelmado iska hor keeni kara Maamulka Puntland iyo Dawladda Somaliland ama colaado ka abuuri kara deegaano imika xasiloon.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland