Abaanduulaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha oo Boorama gaadhay

Boorama (Aftahannews)- Wefdi uu hogaaminayo abaan duulaha koobaad ee ciidanka qaranka Somaliland Jeneraal Cabdirisaaq Siciid iyo saraakiil kale ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama.

Ujeedada kormeerka sarakiishan ayaa ku saabsanayd sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda gobolka isla markaana usoo afjari lahaayeen shaqaaqooyinka maalmahii u dambeeyay ka taagnaa dhinaca dhulka ku yaala galbeedka Boorama.

Sidoo kale, Wefdi uu hogaaminayo Abaan duulaha ciidanka qaranka Somaliland oo ku wehelinayo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid iyo masuuliyiinta gobolka Awdal iyo dagmada ayaa waxay kormeereen dhulka laysku haysto ee galbeedka Boorama ku yaala.

Weftigan uu hogaaminayo Abaan duulaha ciidanka qaranku ayaa maalmaha soo socda joogi doonaana magaalada Boorama sidii ay u soo afjari lahaayeen shaqaaqada dhinaca dhulka ee halkaasi ka taagan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.