Somaliland: Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo War ka Soo Saaray Sicir-babarka & Kor u kaca Shilinka JSL

Hargeysa (Aftahannews):- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo maanta hortagay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in guddida Wakiilada ay siiyeen daraasadd Baanka dhexe ee Somaliland uu sameeyey August 2019-kii oo muujinaysa inay wada-socdaan maceeshada iyo qiimaha dollarka ee hoos u dhacay.

Waxa kale oo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland sheegay in qiimaha shilling-ka Somaliland uu kor u kacay boqolkiiba 21%  bishii April 2018 ilaa iyo 2020, isla markaana maanta uu marayo halkii dollar ($1=8500SLSH) sideed kun iyo shan boqol.

Guddoomiye Baqdaadi, ayaa tilmaamay in sicir-babarka ka jira Somaliland uu hoos u dhacay, kaas oo sheegay inuu wakhti xaadirkan maraya 4.5%, Sicir Babarka ka jira Somaliland, taas oo muujinaysa in Sicir Bararka ka jira Somaliland uu aad uga hooseeyo marka loo eego dalalka Kenya, Ethiopia iyo Sudan.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Hadaanu nahay Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland, waxay naga waraysteen iyagoo waajibaadkooda gudanaya, xagga dhaqaalaha iyo wixii Bangiga dhex uu qabtay sanadkii ina dhaafay, waxyaabaha ugu waaweynaa ee aanu ka wadahadlay waxa ugu waaweynaa tabashooyinka dadweynahu ay qabaan waxyaabaha qaarkood. Tusaale ahaan hadaan soo qaado ay ka mid yihiin; Qiimaha dollarka oo qiimihiisu hoos u dhacay iyo maceeshada oo dadka qaar ay yidhaahdeen ma wada-socdaan, su’aashaas waanu ka jawaabnay, waxaananu siinay daraasadd aanu samaynay oo baanka dhexe sameeyey August 2019-kii oo muujinaysa inay wada-socdaan maceeshada iyo qiimaha dollarka ee hoos u dhacay, taas oo qoraal ah ayaanu siinay.

Waxa kale oo guddidu ay naga waraysatay xagga dhaqaalaha, tusaale ahaan sicir bararka qiimaha shilling-ka iyo waxyaabo kale oo la mid ah, markaa intaaba waanu uga jawaabnay qiimaha shilling-ka Somaliland oo kor u kacay boqolkiiba 21%, laga soo bilaabo April 2018 ilaa iyo imika 2020, oo maanta uu marayo halkii dollar ($1=8500SLSH) sideed kun iyo shan boqol, iyo sicir babarkii oo hoos u dhacay oo maraya 4.5%, Sicir Babarka ka jira Somaliland.

Marka la eego wadamada inagu xeeran Uganda oo kaliya ayaa inaga hoosaysa oo ah 3.6% Inflation rate-ku, Kenya waa 5.8%, Ethopia waa 18.5%, Sudan waa 58%, waa bishii December 2019-kii. Halkaa waxa ka muuqata in Somaliland kaalmaha ugu hooseeya ay kaga jirto wadamada Afrikaanka ah ee inagu xeeran xagga sicir bararka,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo maanta kulan la yeeshay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.