Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo geeriyooday

Nairobi (Aftahannews) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saqdii dhexe ee xalay uu geeriyoodey Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi.

Madaxweynaha ayaa bilihii ugu danbeeyayba la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey.

Waxaa uu ku dhintay da’da 95 sano jir, isaga oo dalkaasi soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.