“Madaxweyne Qaran Reernimo ayaan kula Talinaynaa Dhalinyarada yidhi Way Gafeene, waxaan odhan lahaa..” Marwo Faadumo Aadan Cawad

Hargeysa(Aftahannewes):- Marwo Faadumo Aadan Cawad oo ka mid ah Haweenka Xisbiga Kulmiye, ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay in Dhalinyaro waxbaratay ku hadlaan af reer amma qabiil iyagoo aqoonyahanno sheegannaya, isla markaana ku tiraabaan inay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, yidhaahdaan Talo ayaannu kuu soo jeedinaynaa annagoo beeshaada ka soo jeedna.

Faadumo Aadan waxay sheegtay inay Dhalinyaro Warqadda furan ee ay Madaxweynaha ku socodsiiyeen warbaahinta mariyey Sabtidii toddobaadkan ay ka habboonayd iyagoo ah dhalinyaro reer Somaliland ah oo aan beelna ahayn inay sidaa yeelaan, hase-yeeshee, ay meelka dhac ku tahay inay af beeleed kula hadlaan Madaxweynaha Qaranka oo doorasho ku yimi, aqoonta ay sheeganayaan iyo Bulsho-weynta Somaliland ee Madaxweynuhu dhexda u yahayba.

Haddaba, Marwo Faadumo Aadan Cawad oo Maanta Saxaafadda qaarkeed kula hadashay magaalada Hargeysa, waxaannu warkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@mail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.