Gabadh Siyaasadda Ku Cusub Oo Aqoonteeda Lagu Sheegay Mid Ku Dhisan Isticmaalka Whatsapp-Ka

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)-Urmila Matondkar, oo ka mid ah atariishooyinka ugu caansan wadanka Hindiya, ayaa si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada, ka dib markii ay khalad lama filaan ah, oo dad badan ka yaabiyay ku sheegtay khudbad ay jeedinaysay.

Atariishan ayaa jumlad ka mid ah khudbaddeeda ku sheegtay in dagaalkii labaad ee dunida uu dhammaaday sanadkii 1919-kii, laakiin sidda dhabta ah dagaalkaas wuxuu socday intii u dhaxeysay 1939-1945.

Muuqaal si aad ah u faafay oo ay barta Twitter-ka soo galisay shirkadda ANI ayey Urmila ku sheegtay in Britain ay ogeyd ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Dunida sannadkii 1919-kii uu qalalaase ka taagnaa Hindiya. Si arrintaas wax looga qabtana uu gumeystihii Britain soo jeediyay sharcigii Rowlatt, oo dhigayay in dadka la tuhmo xabsiga lagu heyn karo muddo dheer, iyagoo aan maxkamad la soo taagin.

Haweeneydan jilaaga ah ee markii dambe siyaasadda ku biirtay ayaa isbarbardhig ku sameynaysay sharciga wax looga baddalayo dhalashada Hindiya ee muranka dhaliyay iyo sharcigii uu gumeystaha soo bandhigay ee Rowlatt.

Waxay intaas ku dartay in labada sharciba lagu xasuusan doono inay baal madow ka galeen taariikhda Hindiya.

Dadka internet-ka isticmaala ayaa durba fahmay in Urmila ay khalad weyn ku dhawaaqday, ayna tidhi Dagaalkii Labaad ee Adduunka, halkii laga rabay inay tidhaahdo Dagaalkii Koowad ee Adduunka.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa socday intii u dhaxaysay 1914-kii ilaa 1919-kii.

Qof ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa soo qoray sida: “Laakiin Urmilla, Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu dhammaaday 1939-kii, siduu ku dhammaan karaa 1919-kii. Waxay u muuqataa in aqoontaada badankeed ay ku dhisan tahay jaamacadda WhatsApp-ka”.

Qaar kale oo ka mid ahaa dadkii Urmila ku canaantay baraha bulshada ayaa sheegay in jilayaasha filimada Bollywood-ka ay mar walba khudbadaha jeediyaan iyagoo aan u diyaar-garoobin waxay sheegayaan.

Dad badan ayaa ku maadaystay atariishadan, iyagoo siyaabo kala duwan u cabirraya qaabka ay u arkeen hadalkeedda.

You must be logged in to post a comment Login