Midowga Yurub Oo Biixi Ku Adkeeyey Qabsoomidda Doorashooyinka

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martinez, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku joogay Dalka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Waxaana kulankaasi lagaga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla-markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii la isaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi)…”