Mourinho Oo Xasuuqay Guardiola + Arteta Oo Barbaro Lagu Qabtay

Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa Magaalada London ku soo garaacday Man City oo marti u ahayd, waxaana ay uga soo adkaatay 2-0.

Kulankan oo Man City ay dardar ku bilaabatay, intii lagu guda jiray qeybtii labaad waxa ay iska lumiyeen gool ku laad ama rikoodhe, iyadoo waliba kaadhka casna laga qaatay.

Waxaa ciyaartan oo weerar iyo weerar celis ahayd lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad 40’daqiiqo waxaa goolhayaha Spurs ee Hugo Lloris uu gool ku laad ka badbaadiyey laacibka Man City ee Ilkay Gundogan, taasoo farxad u ahayd macallin Jose Mourinho iyo wiilashiisa.

Kooxaha Burnley iyo Arsenal ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Turf Moor, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 25-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Burnley iyo Arsenal, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Turf