Ciidamadda RRU-da Somaliland oo caawa hawl gal ka fuliyay Medersad ku taalla Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamadda booliska sida gaarka ah u tababaran ee Somaliland ee loo yaqaano RRU ayaa goor dhawayd oo caawa fiidkii ah u daatay Mederasad ku taalla magaaladda Hargeysa.

Waxaana la sheegay in ciidamadu ay soo xidheen maamulihii Medersadaasi iyo macalin ka mida macalimiinta medersadaasi wax ka dhiga.

Medersadan oo magaceedda la yidhaahdo Tak-wiinul Culamaa, ayaa ka taala xaafadda Calaamadaha ee koonfurta magaaladda Hargeysa.

Maamulaha machadkaasi ee ay ciidamadu qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Maxamuud Xuseen.

Sida ay Warbaahinta Hargeisa Press u sheegeen dad goob joogeyaal ah, ciidamadda booliska gaarka ah ee RRU ayaa u muuqday in bar-tilmaameedkoodu ahaa medersadan, isla markaana ay ku socdeen hawl qorshaysan.

Iyadoo ciidamadaasi ay gudaha u galeen medersadan, isla markaana ay soo xidheen maamulihii iyo macalin wax ka dhiga. Kuwaasoo xiliga ay ciidamadu u daateen ku sugnaa gudaha medersada.

Hase yeeshee ilaa hadda si cad looma oga u jeedadda rasmiga ah ee ay ciidamadu ugu daateen medersadaasi iyo sidoo kale maamulaha iyo macalinka ay soo xidheen.

Geesta kale medersadan Tak-wiinul Culamaa, ayaa ku cusub magaaladda kaasoo la furay 16-kii bishii ina dhaaftay ee January ee sanadkan 2020-ka.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida dadka degan xaafadda ay medersadasi ku tallo.

Tallaabadan ay ciidamadda RRU ku beegsadeen medersadan ayaan ilaa hadda si cad loo ogayn u jeedadda ka danbaysa, sidoo kale-na weli waxaan  ka hadal ama war ka soo saarin taliska ciidamadda nabadgeliyadu.

 

XIGASHO: HARGEISA PRESS.COM