Shirkadda HEMA BOOKS oo Xarun Cusub ka Furatay Xaafadda Jigjiga-yar ee Hargeysa

Filed under: Wararka |

Hargeysa(aftahannews):- Shirkadda gacanta ku haysa daabacaadda iyo qaybinta Buugaagta Manhajka waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland, iibisana agabka kala duwan ee waxbarashada ee HEMA Books, ayaa Xarun cusub ka furatay Xaafadda Jigjiga yar oo ka tirsan degmada Ibraahin Kood-buur ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda HEMA Books oo si xawli ah xarumeheedu ugu fidayaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa sii wadda is-ballaadhinta, si ay adeegyadoodu ugu fududaadaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ee u baahan buugaagta Manaahijta iyo agabka kala duwan ee waxbarasho ee ay Shirkaddu iibiso.

Haddaba, Warkan furitaanka Xarunta cusub ee Shirkadda HEMA BOOKS ay ka furatay Xaafadda Jigjiga-yar iyo Masuulka Shirkadda u hadlay hadalladiisaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login