“Intii Xoghaye Cabsiiye Soo Noqday Dakhligii Gabiley Hoos buu u dhacaye halla soo Celiyo Xoghayihii Dakhliga Kordhiyey..” Xildhibaan Cabdicasiis

Gabiley(aftahannews):-  Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley, ayaa Wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay in ay soo celiso Xoghayihii ku-meel-gaadhka ahaa ee dawladda hoose ee Gabiley Faysal Aw Xasan oo uu sheegay in uu muddadii uu joogay uu kor u qaaday Dakhliga ka gana habboon yahay shaqada Xoghaye Mustafe Cabsiiye oo wasaaradda daakhiligu dhawaan dib ugu celisay Gabiley.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdicasiis, ayaa sheegay in ka gole deegaan ahaan looga baahan yahay in ay kor u qaadaan dhaqaalaha, balse aan loo baahnayn in xilka qaraabo lagu bixiyo, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka Taleefanka kula yeeshay Weriye Yuusuf Jaamac Xirsi.

Haddaba, Waraysiga Xildhibaan Cabdicasiis arrimaha uu kaga hadlay, su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.