Kooxda Liverpool Oo Is-muujisay + Man.United Oo Markale Jid-gooyo Rejo La’aan Ah La Dhigay

Manchester United ayaa barbaro niyad-jab leh waxay gurigeeda kula gashay kooxda Wolves oo marti ku aheyd Old Trafford iyadoo labada kooxood ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah.

Inkastoo tababare Solskjaer uu ku soo bilaabay saxeexiisa cusub Bruno Fernandes hadana Man United waa ay awoodi weysay inay shabaqa ka soo taabato Wolves iyadoo seddexdii kulan ee ugu danbeysay Premier League aan wax guul ah gaadhin, labo guuldarro iyo hal barbaro.

Man United waxay isbuucaan u dhacday kaalinta 6aad iyagoo leh 35 dhibcood, waxay hal dhibic ka hooseeyaan Sheffield United oo kaalinta shanaad soo gashay halka ay lix dhibcood ka danbeeyaan Chelsea oo kaalinta afaraad ku jirta.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar adag balse aan fursado waa weyn la iska helin, iyadoo ciyaarta inteeda badan ay aheyd mid lagu kala difaacanayay afka hore ee xerada ganaaxa.

Wolves ayaa heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta daqiiqadii 20aad markii kubad madax halis aheyd uu feer ku bixiyay goolhaye De Gea. Wixii ka danbeeyay fursadaas ma jirin fursado kale oo la abuuray ilaa iyo la gaaray daqiiqadii 40aad markaasoo Bruno Fernandes uu kubada ku helay meel halis ah laakiin waxa uu ku aadiyay goolhayaha.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa 22 dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-0 ku xaaqeen kooxda Southampton oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, waa kulankii 16aad oo isku xiga oo ay badiso Liverpool horyaalka Premier League.

Goolal ay qeybtii labaad kala dhaliyeen Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson iyo labo gool uu dhaliyay Mohamed Salah ayay kooxda Reds ku xaaqday Southampton iyagoo gacanta midig ku sii dhigay koobka horyaalka oo u dabaaldegihiisa ay isku diyaarinayaan bisha May.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid madaadalo fiican leh iyadoo fursado badan ay labada kooxood kala heleen gaar ahaan kooxda Southampton laakiin hadana waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.