Muran iyo Ismaan-dhaaf Ka Taagan Xulista Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ciraaq yeelan doono

Muran iyo Ismaan-dhaaf Ka Taagan Xulista Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ciraaq yeelan doono
Muran iyo Ismaan-dhaaf Ka Taagan Xulista Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ciraaq yeelan doono

Baqdad(aftahannews):- Waqtigii uu madaxweynaha Ciraaq u qabtay in baarlamaanka dalkaasi ay ku soo gudbiyaan ra’isulwasaare cusub ayaa ku eg maanta oo Sabti ah, xilli uu cadaadis cusub ka imanayo dadka ku mudaahaaraadaya wadooyinka ka dib markii uu banaanbaxyo cusub ku baaqay wadaadka saameynta badan ee Moqtada Sadr.

Muran iyo Ismaan-dhaaf Ka Taagan Xulista Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ciraaq yeelan doono
Muran iyo Ismaan-dhaaf Ka Taagan Xulista Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ciraaq yeelan doono

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Magaalada Baghdad iyo magaalooyinka kale ee ay Shiicadu ku badan yihiin ee koonfurta dalkaasi ayaa muddo afar bilood ah waxaa ka soconayay banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi laguna dalbanayo doorasho waqtigeeda la soo hormariyey, iyo in la helo ra’iisulwasaare siyaasad ahaan madax banaan. Dadka ayaa sidoo kale dalbanayay in xisaabtan laga sameeyo musuqmaasuqa dalkaasi iyo rabshadaha ka dhanka ah mudaaharadaayaasha.

Ra’iisulwasaarihii Ciraaq Caadil Cabdul-mahdi ayaa iscasilay bishii December ee sanadkii hore ka dib markii uu cadaadis kala kulmay banaanbaxayaasha iyo wadaadada hogaamiyaha Shiicada dalkaasi.

Laakin kooxaha siyaasadda isku haya ee Ciraaq ayaa ku guuldareystay iney ku hishiiyaan qofkii bedeli lahaa, taasi oo keentay cabsi ah in xaalad fowdo ah uu dalkaasi galo xilli ay Ciraaq isku dayeyso iney maareyso xiisadda ka dhex aloosan labadeeda xulufo ee ugu waaweyn ee Iiran iyo Mareykanka.

Isaga oo isku dayay inuu deganaanshaha siyaasadeed soo celiyo ayuu Madaxweyne Barham Saleh todobaadkan warqad u diray xildhibaanada kala qeybsan ee dalkaasi isaga oo warqaddaasi ku sheegay inuu magacaabi doono ra’iisulwasaare cusub haddii ay xildhibaanadu ku guuldareystaan iney arrintan heshiis ka gaaraan ugu danbeyn maanta oo Sabti ah.

Codsigan ayaa keenay iney xisbiyada is diidan yeeshaan kulamo degdeg ah, laakinse wali ma jirto qof ay si cad isugu raaceen inuu bedelo Cabdulmahdi.​

Xigasho VOASomali.com iyo AFP.