Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Jabaan Oo Fasax U Qaatay Ilmo Loo Dhalayo

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka deegaanka dalka Jabaan Shinzo Kozumi ayaa shaaciyay in uu fasax u qaadan doono dhalmada wiil uu rajeynayo bisha soo socota. Waxay noqotay tallaabo mar la arag ah oo ka timaada wasiir reer Jabaan ah.

Dad ku dhaw wasiirka oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Junichiro Koizumi ayaa laga soo xigtay in wasiirka uu qorsheynayo in uu qaato fasax laboatoddobaad ah saddexda billood ee ugu horreysa dhalmada wiilkiisa.

Mr Shinzo ayaa dhimi doona saacadaha shaqada iyadoo kaaliyaashiisa qaban doonaan qeyb ka mid ah mas’uulidda saaran.

Wasiirka ayaa xusay in uu ka qeyb gali doono kulamada aan caadiga aheyn ee golaha wasiiradda Jabaan laakiin uu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa deegaan Aabayaasha siinaya fursad lagu fasaxo oo ay ku xannaaneyn karaan ubadkooda.