Washington: Qoys Safar Diyaaradeed Looga Reebay Qaab-cajiib Ah

Hargeysa, (Aftahannews)-Qoys ku nool gobolka Michigan ee Mareykanka ayaa si qasab ah looga dejiyay diyaarad ka dib markii shaqaalaha ay ka dacwoodeen in “urka jirkooda uu dawakhiyay dadkii diyaaradda saarnaa”.

Diyaaradda laga dejiyay waxaa iska leh shirkadda American Airlines, waxayna qoyskaas ka soo raaci rabeen Miami.Yehuda Yosef Adler, xaaskiisa Jennie iyo gabadhooda ayaa laga dejiyay diyaaradda bishan January.,

Waxay qoyskaas sheegeen in shaqaalaha diyaaradda ay hadallo aan fiicneyn ka sheegeen diintooda Yuhuudda ee Orthodox.

Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines waxay sheegtay in go’anka qoyskaas diyaaradda looga dejiyay aan lagu saleyn waxa ay aaminsan yihiin. Waxay shirkadda tilmamtay in macaamiisha ay ka dacwoodeen shiirkooda.Dacwada ay u gudbiyeen xafiis ku yaalla taxes, waxaa lagu muujiyay xadgudub, niyad jebin iyo faquuq la xidhiidha diintooda.

Mr Adler wuxuu sheegay in wax ka yar shan daqiiqo ay diyaaradda saarnayeen, ka dibna, mid ka mid ah shaqaalaha uu u sheegay in xaalad degdeg ah ay jirto ayna ka degaan diyaaradda.Markii laga dejiyay diyaaradda, Mr Adler wuxuu ka dacwooday in shaqaalaha ay u sheegeen in duuliyaha uu qoyska ka dejinayo diyaaradda taas oo sabab u ah urka jidhkooda.

Dacwadda waxaa lagu xusay in mid ka mid ah shaqaalaha uu “ceebeyn iyo xushmad darro kula kacay Adlers, ayna ogayd in diintooda Yuhuudda ee Orthodox ay u ogoshahay in toddobaad hal mar ay Maydhaan.”

Qoyska Adler waxay u la hadleen dad ku sugnaa albaabka diyaaradda laga koro, waxayna weydiiyeen in jidhkooda uu soo shiiraayo. Waxay sheegayaan in su’aashaas ay weydiiyeen illaa 20 qof, balse qofna uma sheegin in ay urayaan.Mr Adler wuxuu sidoo kale sheegay in subaxaas ay soo maydhaan.Waxaa la geeyay hoteel ka dib markii diyaaradda laga dejiyay, waxaana la siiyay cunto. Subixii xigay ayaa la saaray diyaarad u socotay Detroit. balse alaabtooda waxay raacday diyaaraddii laga soo dejiyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda oo ay baahisay Fox News, waxaa ku qornaa: “Qoyskan Adler waxaa la weyddiistay in ay diyaaradda ka degaan ka dib markii dhowr qof oo rakaabka ka mid ahaa iyo shaqaalaha ay ka andacoodeen shiirkooda. Go’aanka waxaa lagu saleeyay in rakaabka ay ku raaxeystaan safarka aawadii.