Midowga Yurub Iyo Somaliland Oo Galay Heshiis Maalgelineed 

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasi oo lagu daah-furaayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub islamarkaana loogu talo-galay hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera, sidoo kalena waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Mashruucan ayaa laga hirgalinayaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla, waxaana hore looga daahfurey magaalada Muqdisho, taas oo uu maalgalinayo midowga Yurub.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mida Golaha Wasiirada ayaa kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.

Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn ku soo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.