Tiradda Iyo Xaaladaha Maxaabis Ku Xidhan Saldhigyadda Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tirada guud ee Maxaabiista ku xidhan guud ahaan Xabsiyada dalka.

Komishanka Xuquuqal iinsaanka Somaliland oo soo saaray warbixin-sannadeedka 2019-kii, ayaa sheegay in guud ahaan Xabsiyada Dalka ay ku jiraan Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 2,317, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haysto.

Komiishanku xuquuqal iinsaanku wuxuu sheegay in Xaaladda Nololeed ee Maxaabiistu wanaagsan tahay guud ahaan Dalka, marka laga reebo Cuntada ay Maxaabiistu helaan saddexda wakhti oo la siiyo raashin aan ku filnayn ama aanay ku baahi-bixin.

Sidoo kale, waxay war-bixinta oo dheer lagu sheegay in Xabsiyada ku yaalla Magaalooyinka qaar, sida Ceel Af-weyn, Gar-adag iyo Laascaanood iyo Caynaba ay Maxaabiistu dhibaato ku qabaan biyaha oo aan la cabbi karin Adeyg awood.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay inay jiraan Dad Jeelasha ku xidhan oo wakhtigii ciqaabtu ka dhamaaday, balse illaa hadda lagu leeyahay deyn. Komiishanku wuxuu sheegay in isagoo kaashanaya Hay’adda Zekada ee Somaliland iyo Dad Muxsiniin ah uu deyntaa ka bixiyey 9 Qof, laakiin illaa hadda ay xidhan yihiin 36-kii kale.

Dhanka kale, War-bixinta Komiishanka xuquuqal iinsaanka ayaa lagaga dayriyey Xaaladda dhismayaasha Saldhigyada Booliska ee Magaalooyinka dalka, waxaana lagu war-bixintaasi in dhismayaasha saldhigyadu u badan yihiin Qolal yaryar oo gaboogabay, iyagoo yaryarna lagu wada xidho Maxaabiis badan, taasi oo keeni karta Caafimaad-darro iyo Nadaafad-darro.

Sidoo kale, waxa War-bixin-sannadeedkan 2019-ka ee Komiishanka Xuquuqal iisaanka Somaliland lagu sheegay in dhibaatada ka jirtaa tahay gaadiid yaraan, taasina ay cabaqad ku tahay in Ciidammada Boolisku ay waajibaadkooda u gutaan si hufan.

War-bixinta uu Komiishanka xuquuqal iisaanku soo saaray ayaa ka kooban 68 Bog, waxayna kaga warrameen dhacdooyinka waajibaadkooda la xidhiidha ee soo maray sannadkii dhammaaday ee 2019-ka.