Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Caqabadihii Cabdi Ilay Iyo Adeerkii Oo Uu La’yahay Soddon Sanno

Jigjiga, (Aftahannews)-Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay tacaddiyadii ka dhacay deegaanka xilliyadii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dilay walaalkii, sidoo kalena ugu hanjabay inay dhibaatooyin u geysanayaan hooyadii iyo walaalkii.

Madaxweyne Mustafe oo xafiiskiisa Magaalada Jigjiga waraysi ku siiyey wakaaladda wararka Reuters, ayaa waxa uu dalbaday in ay caddaalad helaan qoyskiisa oo adeerkii wali la’yahay muddo ka badan soddon sannadood, kaas oo ciidamadii Itoobiya ay kaxaysteen iyagoo ku eedaynaya inuu ka tirsanaa ONLF.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalidu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wali ay jiraan dad doonaya inay carqalad ka abuuraan deegaanka,.

Madaxweynaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Waxa jira xoogag doonaya inay deggenaansho la’aan abuuraan oo aan wali la tirtirin” Ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.

Madaxweyne Mustafe waxa uu bilaabay inuu raadiyo caddaalada xilligii uu arkayda ka ahaa jaamacadda, kaddib markii ay ciidamada Milateriga Itoobiya xidheen adeerkii sannadkii 1995-kii iyadoo lagu xidhiidhiyey ONLF, dibna aan loo arag“Caddaalad darrada ku dhacday qoyskaygu waxay qayb ka ahayd caddaalad darrada baahsan ee ku dhacaysay dadka.” Ayuu yidhi.

October 2016, Madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa bartilmaameedsaday qoyska Mustafe Cumar oo xilligaas u shaqaynayay hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana maalin maalmaha ka mid ah uu helay telefoon uga soo dhacay deegaanka oo loogu hanjabayo“Telefoonada hanjabaaddu waxay bilaabmeen October 2016.“Waa inaad ammaanto madaxweynaha deegaanka, haddii kale waxaanu kufsan doonaa walaashaa, hooyadaana waanu dili doonaa.” Ayuu ku yidhi qof u soo diray telefoon sida uu Madaxweyne Mustafe u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toban maalmood markii hanjabaaddaas telefoonka looga soo diray, ciidamada Liyuu Booliska ayaa gudaha u galay guriga ay degganaayeen qoyska Madaxweyne Mustafe, waxaanay la baxeen walaalkii Faysal iyo aabbihii Muxumed Cumar.

Madaxweyne Mustafe Muxumed waxa uu sheegay in saddex askari oo boolis ah ay walaalkii ka tureen gaadhi socda ayna ku hor dileen aabbihii“Waxaan la hadlay dadkii aasay walaalkay ee meydkiisa arkay, waxayna ii sheegeen inay dhaawacyo badan jidhkiisa ku yeelleen. Way jidh-dileen.” Ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Laba ka mid ah saddexdii askari ee baabuurka ka tuuray Madaxweynaha wakaalkii Faysal, ayaa hadda xidhan oo sugaya inuu soo baxo xukunkoodu, midkii saddexaadna waa la raadinayaa.

Madaxweyne Mustafe waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan bisha August ee sannadkan, waxaanu rajaynayaa inay noqdaan kuwo dalka mideeya oo deegaanadu ka faa’iidaystaan.

Xigasho Warsugan