Somaliland oo Heegan Caafimaad Ka Gashay Cudurka Shiinaha Halakeeyey & Dhalinyaro China ka yimi oo ku baxsaday Hargeysa

SOMALILAND OO SHAQAALEHEEDA CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY IYO CABSIDA CUDURKA CHINA 2020
SOMALILAND OO SHAQAALEHEEDA CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY IYO CABSIDA CUDURKA CHINA 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Somaliland, ayaa Heegan gelisay Shaqaaleheeda Caafimaadka, si looga hortago Cudurka loo bixiyey CORONAVIRUS oo Dad badani ugu dhinteen Dalka Shiinaha oo uu dhawaan ka dillaacay, Waddamada Caalamkuna Dedaal ugu jiraan Xakamayntiisa, waxaana ka hadlay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Caafimaadka, iyadoo ay wasaaradda caafimaadku sheegtay inay jiraan dhalinyaro shalay China ka yimi oo Hargeysa ku baxsaday, iyagoon la baadhin.

SOMALILAND OO SHAQAALEHEEDA CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY IYO CABSIDA CUDURKA CHINA 2020
SOMALILAND OO SHAQAALEHEEDA CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY IYO CABSIDA CUDURKA CHINA 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa booqday garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ah goobta koowaad ee shaqaalaha wasaaradda Caafimaadku heeganka ka galeen, isla markaana waxa uu ka hadlay dedaalka laga rabo shaqaalaha caafimaadka, Laanta Socdaalka iyo hawl-wadeennada Madaarka.

“Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Maamulka iyo Shaqaalaha Madaarka laga rabo is-diyaarin dhinaca dadka soo degaya ee la baadhayo ah, waxaanu yidhi; “Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay  gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo.”

“Khatari innama soo gaadhin, laakiin adduunku  wuu isu wada furan yahay, markaa inaynnu taxaddar farobadan oo aan cunfi lahayn, laakiin maamul ah waa inaynnu galnaa, halkanina waa halkii laga soo galayaye waa inaad nidaamkaas raacdaan, halkanna waannu idinkala dhisaynaa Emergency-ga,  gurmadkana diyaar baa loo yahay.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Haddaba, hadallada Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa Caafimaadku ka jeediyeen Madaarka, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.