“Waxaan Ku Baaqaynaa inaanay Dowladda Soomaaliya iyo Puntland Siyaasadayn Mustaqbalka Ubadka..” Waalidiin

Garoowe(aftahannews):- Waalidiinta Ardayda Dugsiyada sare ee Puntland ka baxaya sannadkan 2020-ka dhalay, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ee dhinaca Imtixaanaadka Dugsiyada sare iyo Shahaadada oo Xukuumadda Federaalku Shuruud ku xidhay, Puntland-na diidday, waxaanay soo jeediyeen Waalidiintu inaan lagu ciyaarin mustaqbalka Carruurtooda.

Hase-yeeshee, Waalidiinta Carruurtu u dhigato Dugsiyada Sare ee Puntland qaarkood oo Garoowe Warbaahinta kula hadlay maanta, ayaa soo saaray Baaq ay kaga dalbanayaan  dowladda federalka iyo maamulka Puntland in aanay siyaasadeynin xaqa dastuuriga ah ee Ubadkooda iyo xuquuqda Muwaaddinnimo, isla markaana la soo afjaro khilaafka iyo xafiiltanka ka dhexeeya Federaalka iyo Puntland ee la xidhiidha shahaadada Dugsiyada sare ee Soomaaliya oo la sheegay inaanay heli doonin Ardayda aan u fadhiisan Imtixaanka Qaran ee Soomaaliya, iyadoo Puntland-na ku doodaysa in Imtixaanka dugsiyadeedu iyada gaar u yihiin.

Waalidiinta oo Garowe kula hadlay saxaafada ayaa codsaday in si degdeg loogusoo fasaxo ardayda shahaadooyinka ka maqan yihiin islamarkaana aan mugdi la galin dadaalka ay soo wadeen 12 sannadood oo waxbarasho ah. Waxaanay ka digeen arrintan haddii ay sii socoto inay keeni karto in Ubadkoodu ay tahriibaan, isla markaana uu mugdi galo mustaqbalka ay ku taamayeen muddada.

In ka badan shan kun oo Arday oo sannadkii hore ka baxay Dugsiyada sare ee Puntland, ayaan helin Shahaadadii ay Tacliinta sare ugu gudbi lahaayeen, waloow qaar ka mid ah ay Muqdisho u doonteen kana helay shahaadooyinkoodii.

Haddaba, Waalidiinta Warbaahinta kula hadlay Garoowe, waxaanannu sidoo kale Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.