Saynisyahanno Walaac Ka Muujiyey Inuu Qarxo Xiddig Jira 18 Malyan

Hargeysa, (Aftahannews)-Cirbixiyeennada adduunka, oo isugu jira saynisyahanno iyo khubaro ayaa indhaha ku haya cirka, iyagoo rajo ka qaba fursad lama helaan ah oo nolosha hal mar lagu arki karo.

Waxay ka shaki qabaan in xiddigga lagu magacaabo “Betelgeuse”, oo ah kan ugu iftiinka badan xiddigaha cirka ee dhulka laga arko, uu qarxi doono wakhti aad uga dhow xilligii la filayay.

Inkastoo cirbixiyeennadu ay horeba uga sii war-qabeen in xiddiggan uu ugu dambeyn qarxi doono, haddana

warar dheeraad ah oo dhawaan soo baxay ayaa indhaha lagu kala qaaday.

Betelgeuse oo Soomaalida ay u yaqaannaan “Bakaal” ayaa ahaa “xiddig lagu waday inuu baaba’o”, waxa laga hadlayayna uu ahaa wakhtiga uu qarxi doono oo kaliya balse aan la isku heynin inay sidaas dhaceyso iyo inkale.

Xiddigan ayey khubaradu sheegeen in da’diisu ay tahay siddeed ilaa toban malyan oo sanno kaliya, marka loo eego qorraxda oo ay saynisyahannada sheegaan inay jirto 4.5 bilyan oo sanno.

Waa xiddig guduudan oo aad u weyn, noloshiisuna ay gabaabsi tahay, muddooyinkii ugu dambeeyayna sii ballaadhanayay, sida ay saynisyahannada sheegeen.

 

Betelgeuse waa xiddig dhaqdhaqaaq badan leh oo si joogto ah uu cabbirkiisu u kordho. Cabir ahaan wuxuu la egyahay 550 ilaa 920, oo ku ku labanlaabmi kara cabirka qorraxda”Xiddiga sidan oo kale ah waxaan ku tirinnaa inuu ugu dambeyn qarxi doono”, waxaa sidaas BBC-da ku yidhi Daniel Brown, oo ah barfasoor cilmiga cirbixiyeenka ka dhiga jaamacadda Nottingham Trent.”Cilmi-baadhistii ugu dambeysay ee la sameeyay waxay muujineysaa inuu qarxi karo xilli kasta”.Inuu xiddig qarxo waa arrin aad u weyn, waxaana ka dhalan kara inuu sii daayo tamar aad u badan. Ma noqon doonto dhacdo la dareemi waayo, gaar ahaan waxaa “si dhow” looga fahmi doonaa dhulka”Maalmo gudahood, Betelgeuse wuxuu noqon doonaa mid u iftiima sida dayax shan iyo tobnaad ah”, ayuu yidhi Brown”Iyadoo la ogyahay in xiddigaha waaweyn oo dhan ay noloshoodu gabo gabo ku dhowdahay, waxay maraan xilli waalli ah oo ay iftiin badan lumiyaan”, sidaas waxaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay Sarafina Nance, oo ka tirsan Jaamacadda California, kana mid ah khubarada daraaseysa xiddigga Betelgeuse.

Xiddiggan wuxuu marayaa marxalad isbaddalka iftiinkiisa laga arki karo dhulka, siday sheegtay Emily Brundsen, oo ah cirbixiyeen ka tirsan jaamacadda York”Ma jiro wax si rasmi ah u caddeynaya in xiddigga Betelgeuse uu si dhakhso ah u qarxi doono.” ayey tidhi Brundsen.