Donald Trump Oo Inaadeerkii U Saxeexay Qudus Iyo Xukuumadda  Falastiin Oo Ku Tilmaamay Shirqool

 Washintong (Aftahannews)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe, wuxuuna ballan-qaaday in Qudus oo aan la ka qeybin ay ahaan doonto caasimadda Israel.

Qorshahan oo Trump uu ugu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa soo jeedinaya dal madax banaan oo Falastiin ah, hase yeeshee wuxuu deegaanada Daanta Galbeed ee Yahuudda ay qabsadeen u aqoonsanayaa dhul Israel.

Isaga oo ka hadlaya Aqalka Cad, islamarkaana uu dhinac taagan yahay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa Trump waxa uu sheegay in hindisahiisa uu yahay “fursaddii ugu dambeysay” ee Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabas ayaa ku gacan seeray qorshahan kuna qeexay “shirqool”, wuxuuna sheegay in Falastiin aysan marnaba Qudus uga tanaasuli doonin Yahuudda.

Haddaba qodobada ugu weyn heshiis ku sheega qarniga ayaa kala ah:

1 – Mareykanka waxa uu aqoonsanayaa madax-banaanida Israel ee dhul badan oo ka mid ah kuwa ay ka qabsatay Falastiin.

2 – Qorshaha wuxuu laba laabayaa dhulka Falastiiniyiinta ay hadda maamulaan, wuxuuna caasimadda Falastiin ka dhigayaa Bariga Qudus, halkaasi oo Mareykanka uu safaraad ka furan doono. Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO ayaa qariidadda Trump soo bandhigay ku sheegay mid Falastiiniyiinta siinaya kaliya 15% dhulka taariikhiga ah ee Falastiin.

3 – Qudus waxa ay ayada oo aan la kala qeybin ahaan doonta caasimadda Israel.

4 – Trump wuxuu sheegay in qorshahan uu Falastiiniyiinta siinayo fursad ay ku helaan dal u gaar ah oo madax-banaan, hase yeeshee ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

5 – Cid Falastiini ama Israeli ah lagama saari doono guriga ay hadda degan tahay – Taas oo macnaheedu yahay in deegaannada Yahuudda ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed loo shariciyeyn doono Israel.

6 – Israel waxay boqorka Jordan kala shaqeyn doontaa sida loo maamulayo dhulka barakeysan ee Al-Xaram Al-Shariif, oo uu ka mid yahay Masjidka Al-Aqsa, iyo Darbiga ay Yahuudda caabudaan.