Arsenal Oo Iska Xaadirisay FA-Cup, Xilli Jawigu Ku Xun-yahay Liverpool

Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega 5-aad ee FA Cup-ka waxa ayna laba gool iyo hal ku garaaceen AFC Bournemouth oo ay marti u ahaayeen , waxa  uuna ahaa guul ay mudnaayeen wiilasha Arteta

Sheekada labada qeyb : Arsenal ayaa nasashada ugu dirtay AFC Bournemouth laba gool oo nadiif ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 4-aad ee FA Cup-ka .

Arteta oo shax ay ka dhex muuqdeen da`yarta kooxda ku soo bilaabay ayaa waxa ay soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh iyaga oo biloowgii ku guuleystay gool waqti hore ah.

Arsenal iyaga ayaa si weyn ugu badnaa kubadda waliba waxa ay gaarayeen aagga goosha martida ay u ahaayeen taas oo ugu dambeyntii keentay gool labaad daqiiqaddii 26-aad waxaana dhaliyay Edward Nketiah iyadoo ay VAR ansixisay ka dib dood laga keenay.

Arsenal waxa ay qeybtaas hore soo bandhigeen kubad kalsooni leh, si wacan ayayna isugu balaarinayeen garoonka marka ay kubadda cagtooda ka baxdo .

Dhamaadkii , ciyaarta waxa ay aheyd mid marba kubadda cagta ugu jirtay waxa uuna tababare Arteta daqiiqadi 90-aad soo giliyay Ainsley Maitland-Niles kaas oo lo saaray Willock , ayna kooxda martida loo ahaa waqtigii dheeriga dhaliyeen gool xilli ciyaarta ay ku dhamaatay 2/1 oo ay Arsenal wareegga xiga FA Cup-ka isaga xaadiriyeen .