FA-ga Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Tababare Klopp

Xidhiidhka kubada cagta Ingariiska ee loo yaqaano FA ayaa la sheegay inay la yaab iyo jahwareer ku noqotay hadalkii Jurgen Klopp uu ku sheegay inaysan ixtiraameynin fasaxa xilliga qaboobaha ee Premier League.

Kooxda Klopp ee Liverpool iyo kooxaha kale ee Premier League ee Newcastle, Tottenham iyo Southampton ayaa haatan la soo gaabin doonaa fasaxooda bishaan madaama ay toddobaadka danbe ciyaarayaan ku celiska kulanka wareega afaraad ee FA Cup.

Reds ayaa hogaan labo gool ah iska qkhasaarisay islamarkaana barbaro 2-2 ah la gashay kooxda heerka saddexaad ee Shrewsbury Town xalay oo Axad aheyd, halka Newcastle ay barbaro la galeen Oxford United iyadoo Southampton iyo Tottenham ay ku kala baxee barbaro 1-1 ah.

Daafaca Southampton Jack Stephens iyo tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa iyagana sidoo kale dhaleeceeyay jadwalka kulamada ku celiska ah laakiin Jurgen Klopp ayaa ku hadlay hadal ka cadheysiiyay madaxda FA-ga.

Tababaraha Liverpool ayaa sheegay inuu ciyaarsiin doono caruur kulanka ku celiska ah ee ka dhacaya Anfield, isagoo sheegay inuu kulankaas u dhiibi doono tababaraha kooxda juuyeerka Neil Critchley bedelkii uu isaga tababare u noqon lahaa kulankaas.

Mareegta Goal.com ayaa sheegeysa in hadalka Klopp uu niyadjabiyay FA-ga, kuwaasoo aaminsanaa inay u ololeynayeen fasaxa ay kooxaha Ingariiska galayaan bishaan February gaar ahaan iyadoo uu soo socdo xagaaga tartanka Euro 2020.