Pep Guardiola:“Liverpool Waxay Qaadi Karta Horyaaladda League, La Liga, Serie A & Bundesliga”

Pep Guardiola ayaa si weyn u amaanay kooxda ay horyaalka kula xafiiltamaan ee Liverpool isagoo soo jeediyay in Liverpool ay ku guuleysan laheyd koob walba oo horyaaladda Yurub ugu waa weyn ah.

Manchester City ayaa ah kooxda ugu soo dhow ee Premier League kula xafiiltameysa Reds laakiin ixtiraamka uu Pep Guardiola u hayo kooxda u sharaxan hanashada horyaalka waa mid weyn.

“Sida iska cad Liverpool waxay noqon doontaa kooxda hanan doonta horyaalka Premier League, laakiin waxay qaadi karaan La Liga, Serie A iyo Bundesliga” ayuu yidhi Guardiola.

“Meel walba ayay kooxda horyaalka qaada ka noqon karaan ka dib 23 kulan oo ay ciyaareen 22 oo ay badiyeen iyo hal barbaro.

“Markii ay Chelsea horyaalka ku guuleysatay xilli ciyaareedkii ku xigay uma aysan soo bixin Champions League, Leicester la mid ayay aheyd, mar kalena Chelsea sidaas ayay sameysay.

“Markii aan ku guuleysanay horyaalka, xilli ciyaareedkii ku xigay waan ku guuleysanay mar kale.

 “Dhibcaha aan heysano waxaan hal ama laba dhibcood ka danbeyn laheyn kooxda hogaamineysa horyaalka Spain, Jarmalka waa la mid, Talyaaniga waa la mid.