Waa Immisa Lacagta Dowladda Somaliland U Qorshaysay La-dagaallanka Muqadaraadka ee 2020?

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND AADAN CABDILLAAHI IYO XUBNO KALE
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND AADAN CABDILLAAHI IYO XUBNO KALE

Hargeysa(aftahannews):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay inay dowladda Somaliland la-dagaallanka daroogooyinka amma muqadaraadka kala duwan ee dalka soo gala u samaysay qorshe miisaaniyadeed oo lagaga hawlgalo, iyadoo Wasaaradda iyo Culimadu door muhiim ah markasta ka ciyaaraan joojinta isticmaalka noocyada daroogada guud ahaan.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND AADAN CABDILLAAHI IYO XUBNO KALE
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND AADAN CABDILLAAHI IYO XUBNO KALE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu sidaa ku sheegay Dood lagaga hadlayey la-dagaallanka noocyada daroogada oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu hambalyo iyo mahad-naq u jeediyey Culimada iyo Ciidammada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inay mar walba heegan ugu jiraan la-dagaallanka muqadaraadka.

Agaasime Aadan Cabdillaahi Cabdalla, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu sannadkan u qorshaysay la-dagaallanka muqadaraadka lacag dhan Boqol Kun oo Doollar oo lagaga hawlgali doono wacyigelinta ka hor-tagga isticmaalka maandooriyeyaasha iyo ka hawlgelista sidii loo cidhib-tiri lahaa daroogada, da’yartana looga dhawri lahaa amma ilaalin lahaa.

Haddaba, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo arrimahaas la-dagaallanka dooragada halka ay wasaaraddu ka taagan tahay iyo qorshaha Xukuumadda talada haysa uga meel-yaal sharraxaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.