Halyeeygii Kubbadda Kolayga NBA Oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyooday

Halyeeyga kubada kolayga ee NBA Kobe Bryant ayaa ku geeriyooday burbur soo gaadhay diyaarad nooca qumaatiga u kaca (Helicopter) oo uu saarnaa.

Kobe Bryant ayaa dunida ka tagay isagoo 41 sanno jir ah. Sida ay sheegtay warbaahinta TMZ, xiddigii hore ee kooxda LA Lakers ayaa la safrayay saddex nin kale iyagoo diyaarad qaas ah qaatay, waxaynna diyaaradda ku burburtay deegaan Calabasas oo u dhow magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Waxaa la rumeysan yahay in shantii qof ee diyaaradda saarnaa inay dhamaantood geeriyoodeen iyadoo aysan jirin cid ka badbaaday.

Shilkan diyaaradeed ayaa dhacay goor dhaw, waxaana haatan socda baadhitaan.

Sida ay wararka sheegayaan, diyaarada diyaaradda ayaa gabi ahaan holacday markii ay dhulka ku dhacday, taasoo sii baab’in karta nolosha dadkii saarnaa.

Waxa uu dunida kaga tagay xaaskiisa Vanessa iyo saddex gabdhood oo ay isku dhaleen kuwaasoo la aaminsan yahay inaysan diyaaradda saarnayn.

Dunida isboortiga ayaa durbaba tacsi u direysa qoyska halyeeyga kubada kolayga iyo bahda uu ka baxay ee NBA.