Magacyada saddex qof oo Al-shabaab fagaare ku toogatay

Muqdisho (Aftahannews) – Kooxda Al-shabaab ayaa Fagaare ku dilay Saddex Nin oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo.

Saddexda Nin ayaa gelinkii dambe ee Shalay lagu toogtay Fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya, ka dib Markii maxkamad Al-shabaab leedahay sheegtay inay ku heshay Dambi ah inay Basaasiin u ahaayeen Dawlado Shisheeye.

Maxkamadda deegaannada Al-shabaab maamusho ee Gobollada Jubbooyinka ayaa saddexda Nin ku xukuntay Dil toogasho ah, xukunkaasi oo ay Goob fagaare ah ku fuliyeen Al-shabaab.

Ragga ay Al-shabaab Toogatay ayaa Magacyadooda lagu sheegay, Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sano jir ahaa, waxaana Warbaahinta Al-shabaab sheegtay inuu ka mid ahaa Ciidamo uu Soomaaliya u tababbaray Maraykanku.

Xuseen Maxamed Cabdi (Arsal) oo 20 sana jir ahaa ayaa Warbaahinta Al-shabaab sheegtay inuu ka mid ahaa Ciidammada Jubbaland iyo Falliidh Yaroow Cali oo 75 sana jir ahaa ayaa isagana Al-shabaab ku eedaysay inuu la shaqaynayey Ciidammada Kenya.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.