Manfac Aan La Cunin Baa Jira Oo Mawdka Kuu Sida!!Qalinkii Cabdillaahi (Budul)

Filed under: Aragtida Bulshada |

Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timo-cade gabayadiisii waxa ka mid ahaa “Manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sida’e, waxa uu  ka hadlayay qaadhaanka yar ee ay bixiyaan waddamada la yidhaa horumar bay

gaadheen oo qadhiidhkaas yar ee ay ku caawiyaan dalalka saboolka ah ku xidha shuruudo iyo arrimo ay wataan oo ku doonayaan in laga hirgeliyo dalalka ay siinayaan.

Taas oo keenta in dalkaasi aqbalo arrimaha soo tahriibayaan ee ay ka mid tahay bahasha u wayn ee la yidhaahdo dimuqraadiyada iyo barnaamijyada ay xambaarsan tahay, waxaanay dalalkaasi sabool ahi ku u dabran yihiin kolba waxyaabaha ay u yeedhinayaan ee mawjadaha ay wataan la ogaalado.

Somaliland oo ka mid ah dalalka aan ilaa hada ictiraaf caalamiya ka helin beesha caalamka, balse u qalanta asbaabaha waddan lagu aqoonsado isla markaana buuxisay shuruudaha ay ku xidhaan ee horseeda ictiraaf ayaa daneeyayaasha Somaliland qaar ka mid ahi ula dhaqmaan arrimo aan aqoonsi ka dhicin.

Beesha caalamka ee ay gadhwadeenka ka yihiin dalalka reer galbeedka ayaa waddamada qaar amni daro iyo kala dambayn la’aani ka jirto oo dawlado taag darani  ka dhisan yihiin aqoonsi u fidiya sida Somalia oo kale oo tan iyo 1991kii markii talada la tuuray Siyaad Barre qalalaase iyo dagaalo kala duwani ka jiraan ay ictiraafeen halka Somaliland oo haykal dawladeed aduun waynuhu ku majeerto aanay ictiraaf ka helin.

Beesha caalamka ayaa habdhaqankeedu dhinaca cawajka u shaqaynaysa oo meelaha dagaaladu aafeeyeena aqoonsan meelaha nabada iyo kala dambayntu ka jirto-na aan aqoonsi siinin.

Somaliland way noolaan kara aqoonsi la’aan, balse waa in gudaheena aynu dadaal iyo karti samayna, isla markaana guntiga u xidhana sidii aynu uga midho dhalin lahayn tacabka dhulkeena innaga oo gacmaha is wada haysana oo wadajir ku waajahna in waxsoo saarka dhulka, xoolaha iyo khayraadka kale ee dhulkeena ku jira la soo baxna.

Sidoo kale Barnaamijkii la odhan jiray Iska wax u qabso waa in laga hirgelina dalka oo xukuumadu jidaysa waxqabadkaasi, kaas oo lagu gaadho horumar la taaban karo oo waxyaabo fara-badan innaga daboolaya, baahiyo badan oo aasaasiyana lagu hagaajin karo haday noqoto wax soo saarka dhulka, xoolaha iyo

Ta kale qaadhaanka yar ee beesha caalamku ina siiyaan wax uu inoo taraya ma jirto, dadka qaar baa aaminsan in aqoonsi la’aan aan la noolaan karayn, waa la noolaan kara waliba markaasa dadku ku xisaabtamaya dadaal iyo tacab in lala yimaado oo aan la isku halaynin qadhiidhka yar ee ay bixiyaan ee hoo iyo ku go’da ah

Waxaana looga baahan yahay xukuumada, ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka in talo qaran laga yeesho sidii waxsoo saarka dhulka xaga beeraha, kobcinta iyo daryeelka xoolaha, ilaalinta deegaanka iyo sidii loola soo bixi laha khayraadka badda iyo barriga ceeggaaga ee laga gaajoonayo, taas oo sidoo kalena shaqo abuur badan gayaysiin laha dhalinyarada camal la’aantu daashatay ee yuurura makhaayadaha.

Hadaba ummad yahay yaan la isku halayn wax aan waxba inoo taraynin oo beesha caalamku ku doonayso inay kuu yeedhiyaan talaabada aad qaadayso, waa qadarka yar ee caawimo ku sheegta ay rabaan in dabinka ay dhigayaan ugu jirno kolba waxyaabaha ay doonayaana inoo xariiqaan ilayn shabag bay ku xidhayaan, marka arrimahoodu waa ila meerayso, ila meeraysana gees inoo wada mayso’e Caqli waa inaynu keena kaga baxayno amuurahan is-barkan.    

You must be logged in to post a comment Login