Dagaallo dhex-maray ciidamada dowladda Somalia iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus  uu ka dhacay degaanka Xaaji Cali oo hoos taga degmada Cadalle.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay soo weerareen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo tuulada Xaaji Cali.

Sida ay VOA u sheegeen ilo degaanka ku sugan, ugu yaraan toddoba qof oo labada dhinac ayaa lagu dilay dagaalka xalay ee ciidaamada dowalda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Xaaji Cali.

Dagaalka oo xalay saq dhexe bilaabmay ayaa lagu soo waramaya in uu socday in ka badan hal Saac

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in saldhigga ay ciidanka dowladda ku sugnaayeen ay weerar xooggan ku qaadeen oo ay la wareegeen, hase yeeshee mas’uul ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa sheegashada Al-Shabaab waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa dagaalka dhankooda ku wehlinayay maleeshiyo degaanka oo iskood isu abaabulay, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Waa weerarkii labaad ee Al-Shabaab ay ku qaaddo degaanka Xaaji Cali muddo dhowr bilood gudahood ah.

Dhinaca kalena, ugu yaraan hal askari iyo afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhimatay weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhigga ciidamada dawladda Soomaaliya ee magaalada Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada dawladda ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab. Waxaa la sheegayaa inuu jiro dhaawac soo gaadhay askarta dawladda.

Isla wararka Soomaaliya, milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyey weerar cirka ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo shalay ka dhacay meel u dhow degmada Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa – AFRICOM – ayaa war saxaafadeed ku sheegay in duqayntan oo dhacday Khamiistii shalay lala bartilmaameedsaday laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasi oo lagu dilay weerarka.

AFRICOM ma sheegin magacyada shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday.

Waa duqyantii labaad ee AFRICOM ay ka gaysato Soomaaliya sannadkan gudihiis.

Sannadkii hore ayaa Maraykanku waxay Soomaaliya ka gaysteen duqaymihii ugu badnaa oo ahaa 63 duqaymood oo badankooda lala beegsaday Al-Shabaab.

 

VOA