Puntland oo Cafis u Fidisay Odayaal Xukun Maxkamadeed Ku Dhacay iyo Maxaabiis kale

Boosaaso(aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa cafis u fidiyey 5 Xubnood oo dhawaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inuu tixgeliyay Xaaladaha Caafimaad iyo Da’ahaaneed ee xukumanayaasha cafiska loo fidiyay.

Waa markii labaad ee cafis loo fidiyo qaar ka mid ah Maxaabiistan oo loo xidhay, ka dib markii uu maamulku eedeeyay inay faraha kula jireen arrimo siyaasadeed iyo khalkhalin lid ku ah ammaanka Puntland.

Magacyada Dadka la cafiyay, waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa soo diyaariyay Codsiga Cafiska Maxaabiista Xukuman, ka dibna Madaxweynaha, ayaa oggolaaday oo amray in lasii daayo Maxaabiistan.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa dhawaan odayaashaan ku xukuntay xabsiyo udhexeeyay saddex bilood illaa 2 sano. Sidoo kale, Madaxweyne Deni waxa uu Cafis u fidiyey Maxaabiis kale oo Xabsiga Boosaaso oo ay muddo ku xidhnaayeen uu ku booqday shalay, iyada oo tirada Maxaabiista uu cafiyey isku noqonayso 39 Maxbuus oo kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland.