Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska Oo Isaga Dab-qaadaya Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Mucaaridka

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Safiir Ka Socda Ingiriiska Oo Kulan Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Jsl

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.

You must be logged in to post a comment Login